Muqdisho{RBC Radio} R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa sheegay in Ciidanka naafada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku jira Cisbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho iney hadda wixii ka danbeeya ay si joogto ah u heli doonaan xuquuqda.
R/wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyey xilli uu booqasho ku tagay Cisbitaalka Martiini oo ay ku jiraan boqolaal ka tirsan naafada xoogga dalka Soomaaliyeed oo lixaadkooda ku waayay dagaalkii ay Soomaaliya la gashay dalka Ethiopia sanadkii 1977dii.
Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid wasiirka Koowaad ee xukuumadda Soomaaliya wuxuu ku amray taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed inuu xili walba la socodsiiyo marxalada ay ku sugan yihiin ciidamada naafada xoogga dalka.
“Dowladu wey ogtahay inaad u baahan tihiin wax walba oo uu u baahan yahay aadanuhu,waxaase taa idiin dheer Lixdiina-lixaad oo kala dhantaalan,waxa idin gaaray maaha mid aan abaal la idiinka haynin”ayuu yiri R/wasaare Saacid.
“Ciidanka Furinta ku jira marka ay qaataan Mushaharka idine waad qaadanaysaan,xuquuqda maanta idiin bilaabatay marna haka baqinina iney idinka go’do,waan ognahay inaad mudan tihiin intaas ka badan,balse dowladu wey soo koreysaaye taageera,meel ka fiican ayaad gaari doontaane”ayuu hadalkiisa kusii diray Wasiirka Koowaad ee xukuumadda Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho