Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

UNHCR oo Sheegtay in Qaxootiga Soomaaliyeed ee gaaraya dalka Yaman ay sii kordhayaan

$
0
0

united_nationsGineva{RBC Radio}Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga aduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan UNHCR ayaa shaaca ka qaaday in Xaqootiga Soomaaliyeed ee gaaraya dalka Yaman iney si weyn u kordheen,Daniel oo ah afhayeenka hay’adda Qaxootiga UNHCR oo wariyaasha kula hadlayey magaalada Gineva ayaa sheegay in dadkii u danbeeyey ee gaaray dalka Yaman ay gaarayaan 46Kun oo iskugu jira Xaqooti iyo Magangalyo doon kasoo cararay deegaanadii ay ku dhaqnaayeen.

Hay’adda ayaa sheegtay  in dadka Qaxootiga ah ee gaaraya dalka Yaman  ay ku safraan Doonyo aan tayo wanaagsan lahayn isla markaane ay badaha kusii jiraan Saacado fara badan,waxayna tilmaantay Hay’addu in dadkani ay u bareeraan qatarta badda.

Warka kasoo baxay UNHCR ayaa lagu sheegay in Qaxootigan badankoodu ay yihiin Soomaali kasoo baxsaday colaadaha ka jira Soomaaliya iyo Ethiopian kasoo hayaamay shaqo la’aanta iyo nolosha adag ee ka jirta dalkooda.

Warka Hay’adda Qaxootiga aduunka ayaa sidoo kale taabtay in Muhaajiriintan aysan dhibaatada kala kulmin badda oo kaliya balse marka ay gaaraan xeebaha dalka yamane ay la kulmaan Kooxo burcad oo afduub iyo dhibaatooyin kale u geysta.

Bil walba waxaa dalka Yaman gaara Kumanaan Ruux oo Qaxooti Soomaaliyeed kuwaas oo ku dhibaataysan xeryaha Qaxootiga ku yaalla dalkaas,halka qaarkooda ay ku geeriyoodaan badda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Yaman.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles