Muqdisho(RBC Radio) Dowladda dalka Japan ayaa ugu deeqday la dagaalanka cudurka Dabaysha ee ka dlaacay gudaha dalka Soomaaliya lacag gaaraysa 1.3 Milyan oo doolar,si loola tacaalo Cudurka Dabaysha oo la xaqiijiyey inuu ka jiro gudaha wadanka Soomaaliya,Sida ay ku warantay Hay’ada UNICEF ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta waxaa cudurka Dabaysha la ildarn in kabadan Boqol Carruur Soomaaliyeed.
Hay’adda Carruurta ee Qaramada Midoobay ayaa intaa ku dartay iney jiraan Carruur fara badan oo ay surta gal tahay inuu haleelo cudurkaasi Dabaysha maadaama aysan helin tallaalkii ka hortagga Cudurka Dabaysha ee loo baahnaa iney qaataan.
Sikander Khan oo ah ergayga gaarka ah ee Hay’adda UNICEF u qaabilsan dalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Carruurta Soomaaliyeed ay kaga jiraan kaalinta Koowaad Ubadka dunida ee aanan sida joogtada ah u helin Tallaalka Cudurka dabaysha ee looga hortago cudurkaas.
Sikander Khan Madaxda UNICEF ee Soomaaliya ayaa ku waramay in Carruurta Soomaaliyeed ee aan helin Tallaalka Cudurka Dabaysha intii u dhaxaysay sanadihii 2008da ilaa 2012ka ay gaarayaan Hal Milyan oo Carruur ah taasoo uu ku sheegay iney tahay cadad aad u sareeya.
Ku dhawaad Boqol Carruur ah oo uu haleelay Cudurka Dabaysha ayaa bishii July ee sanadkan,Gabadh yar oo 2 sano jir ah ayey ahayd qofkii ugu horeeyey ee lagu arkay Sanado kadib,waxaana intaa kadib bilaabatay sidii loo xakamayn lahaa Cudurkaas oo dalka kusii faafayey.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho