Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ururka Nabadda iyo Caddaaladda Puntland (UNCP) oo ku Baaqay in la badbaadiyo Puntland

$
0
0

PPJL

Warqadda S/LBR : 4bPDD/PPJL/Agoosto 03 2013

Ku : Dhamaan Issimmada Dowlad-Goboleedka Puntland

Ku : Madaxda Golayaasha Dowlad-Goboleedka Puntland

Ku : Madaxda Xisbiyadda, Siyaasiyiinta, Culimmada, Aqoonyahanka, Ganacsatadda, Qurb-joogta iyo Dhamaan Qaybaha kala gedisan ee bulshadda Puntland.

Ujeedo : Baaq iyo fariin in la badbaadiyo Dalka iyo Dadka Puntland

Ururka Nabadda iyo Caddaaladda Puntland (UNCP)ayaa ka dib markii uu arkey xaaladda uu marayo Dadkii iyo Dalkii Puntland ayuu soo saarey Baaq samato-bixin ah ama cod-dheer oo uu fariin ugu dirayo Busho-weynta Puntland meel walba oo ay joogaan dalka dibadiisa iyo gudahiisaba, Baaqaas oo uu ku saleeyey Xaaladdu meesha ay mareyso iyo fariimo ah sidii wax looga qaban lahaa. Ururka ayaa xaaladda uu mareyso Dalka iyo Dadka Puntland ee la dhisay 15 sanno ka hor ka soo qaadanaya dhowr qodob.

1. Ka dib markii aan aragney in Dalkii iyo Dadkiiba in ka badan 40% inay gacan maamulo kale ku jiraan taas oo dagaalo lagu xasuuqey iyo dhaqaale lagu qabsadey, kuwaas oo ka mid ahaa Beelihii Maamulka wax ka dhistey oo weliba dhalasho iyo dhulba reer Puntland ahaa. Inta harteyna duulaan Joogto ah lagu hayo kaas oo ka imaanaya dhinacyo ama jihooyin badan.

2. Ka dib markii aanu aragney Issimmaddii soo jireenka ahaa oo weligood nabadda iyo ummadda samata-bixinteeda garwadeenka ka ahaa in talladiiba iyo Hogaamintii laga wareejiyey oo aan maanta waxba la weydiin tallo ah, sidoo kuwo Issimo isaga hayaameyba Puntland oo Degaamo ka baxsan iyo beelaha dhexdooda iska fariistey, taas oo ay sababteeda leeyihiin Siyaasiyiintii labadda MaamulKa isaga danbeysay oo ayagu si qaldan wax isu geeyey ama fikirro qaldan qaatey.

3. Ka dib markii aan aragney in Issimadda qaarkood, Aqoonyahankii , Ganacsatadii, Culimadii, Siyaasiyiinta intii damiirka laheyd, Waxgaradkii ummadda dhibaakeeda ka damqanayey, Dhalinyaraddi iyo qaybo badan oo bulshada Puntland qiimo weyn ugu fadhiyey inay ka tageen (ka hayaameen ama ka haajireen) Geyiga ama Degaamadda Puntland kuwii ku hareyna ay dileen cadowyo Gudaha Puntland jooga iyo Cadow dibadda uga soo duuley, oo mar walba Jiritaanka Puntland iyo Nabad gelyo ku noolaanshaha Puntland aan rabin, hayaankaas oo loo sababeynayo inay caadis xoog leh iyo cabsi la kulmeen sannadihii ay xilka hayeen labada maamul ee ugu danbeeyey.

4. Ka dib markaanu aanu qiimeynay inuu maamulkii Puntland ee lawada dhistey uu maanta illaa heerkaas ku dhawaado burburkiisa lagu Qiimayn karo 80%, ayaa waxaa soo baxdey in labaddii maamul ee ugu danbeeyey madaxdii maamuleysay inaysan si Hogaamin fiican ah iyo Cadaalad wax u maamulin, oo arinku ahaa ” ninba waa maalintiis, anigu buuxsadaye maalintaada buuxso” oo ilaa musuqmaasuqu iyo Cadaalad darriddu meel aad u sareysa gaarto ha noqoto dhaqaale la boobayo, xilal aan si cadaalada ah loogu qaybin Beelaha, Beelihii maalinba Beel lagu Duulo ayadoo shacabka la marin habaabinayo, dadkii Amnigoodii iyo dalkii ilaalintiisa oo aanba wax laga qaban iyo wax badan oo aan la soo koobi karin.

5. Ka dib markii aanu Helnay Xogo badan oo cadeynaya inay Burburinta Puntland qayb ka yihiin kooxo u dhashey Bulshadda reer Puntland sida Madax-Beeleedyo, Siyaasiyiin waaweyn oo xilal ka soo qabtey maamulladii Puntland, Madax-Xisbiyeedyo, Aqoonyahano, Culimmo , Ganacsato iyo qaybo badan oo Bulshada Puntland ka mid ah kuwaas oo ujeedooyin kala gedisan lahaa sida Kuwo u adeegaya oo mansab iyo maal ka raadinaya kooxaha Puntland cadowga ku ah, kuwo Siyaasiyiin, Aqoonyahanno iyo Saraakiil sarsare oo xilal ka raadinaya meelo ka baxsan Puntland ka dibna loo isticmaalo in Puntland lagu burburiyo, Xisbiyo wata fikrado ka baxsan Puntland dadkeeda iyo dalkeedaba oo dhaqaale iyo gacanba ka helaya xisbiyada ay fikradooda xambaarsan yihiin kuwaas oo mar walba cadow u ah Puntland, kuwo wata magac kooxo-diimeed oo Puntland kooxo-diimeed kale wakiil uga ah jihaadkana Puntland ka wadda, kuwo leh markii la dhisayey Puntland Beeshayda waa la qadiyey ama wax yar baa nala siiyey oo leh cadaalad darro ayaa nalagu sameeyey oo meeshii aan rabno ayaan aadeynaa, kuwo leh xeerkii meertadda ayaan sugeynaa oo markayagii nala dhaafsiin maayo haddii kale Puntland wey burburi, kuwo hore xoogaa dheecaan ah uga bartey wixiina raadinaya mar kale oo musuqmaasuq inuu ku noolaado raba, kuwo Hantidii iyo Dhaqaalihiiba ay haysteen kala guurey Puntland oo meelo ka baxsan Puntland Qandaraasyo iyo meheraddo ganacsi looga balan qaadey , balse kooxahaas oo dhami Bal madow ayay kaga qormayaan taariikhda Puntland.

Dhanka kale waxaan halkan UNCP Baaq fariin ah ugu gubinayaa dhamaan Bulshada Puntland ee kor ku xusan, Baaq ayaa waxaan u kala qaadi doonaa 3 qaybood oo kale ah.

a) Issimmada Puntland
b) Madaxda Golayaasha maamulka Puntland
c) Bulshada qaybaheeda kala gedisan

Baaqa Issimmada.

Gudoomiyaha Ururka Nabadda iyo Caddaaladda Puntland (UNCP) Maxamed Cali Musse Farah

Gudoomiyaha Ururka Nabadda iyo Caddaaladda Puntland (UNCP)
Maxamed Cali Musse Farah

1. Ururka Nabadda iyo Caddaaladda Puntland (UNCP) wuxuu halkan Baaq samata-bixinta Puntland ah halkan uga direynaa dhamaan Issimadda soo jireenka ah ee Degaamadda Puntland, kuwaas oo ah kuwii noo dhisey Dowlad-gobleedka Puntland 15 sanno ka hor meel ay joogaanba , waxaanu baaqa ugu direynaa maanta meeshii ay ka qaadeen maalintii ay dhisayeen Dowlad-goboleed Puntland 1998 meel ka liidata Nabad, Amni, tallo-wadaag inay maanta mareyso oo Deegaan Deegaan haysta iyo Beel Beel la fikir ahi inaysan jirin.

2. Waxaau halkan baaq uga direynaa Issimmada ku harey degaamadda Puntland hoos yimaada inay isu baadi goobaan kuwa goboladda kale aadey sida Taleex(Khaatumo ), Goboladda kale ee Puntland iyo kuwa Caasimadda ka fogaadey ee ka midka ahaa Issimmaddii aasaasey Dowad-goboleedk Puntland , gaar ahaan Ururku wuxuu ka codsanayaa Baaqna ugu dirayaa Issimmada kala ah Wakiilka Boqorka Daarood Burhaan Boqor Muuse, Islaam Ciise Islaam Maxamed iyo Islaam Bashiir Islaam Cabdille inay masuuliyad xoog leh iska saaraan raadinta iyo isu-keenidda Issimmadda ka hayaamey Degaamadda Puntland .

3. UNCP wuxuu Issimmada ka codsanayaa inay Talooyinka iyo wadatashiga dhexdooda ah inay si madax banaan u qabsadaan ,sidoo kale Beel walba ama Koox walba iyo qof kasta oo wax tirsanayana wadahadal la yeeshaan Issimmaddu,kana fogaadaan talooyinka guracan ee ay wataan dadka ayagu Siyaasiyiinta sheegta, dadkaasi waa kuwa meeshaa dhigay Maamulkii lawada dhistey oo beelihii iyo Issimmadiina kala hayaamiyey .

4. Haddii Eebe ku guuleeyo inay kulmaan Issimmaddu oo dib isu soo noqdaan “ Insha Allaah” waxaanu ka codsaneynaa wejiga labaad ku Soo xulidda Baarlamaanka Puntland yeelan doonto ku soo xushaan Aqoon, Karti ,Hogaamin fiican lagu yaqaan iyo inuu Maamul wax ka yaqaan oo dowladda markaas la dhiso waxna ku soo kordhin karo wax ka saxi kara marka Dowladdu khaladaad sharci ah la timaado,waana inuu jiraa Guddi aad idinka Issimmadda ahi soo magacowdeen soona kala saara Xunaha Baarlamaanka soo gelay.Baarlamaanka maanta ay leedahay 15 sanno waxba kuma soo kordhin Puntland .

Baaqa Madaxda Golayaasha Maamulka Puntland

1. Ururka Nabadda iyo Caddaaladda Puntland (UNCP) wuxuu soo dhaweynayaa talaabaddii ama go´aankii aad dhinaca wanaaga u qaadeen ee ahayd dhacdaddii 15July2013 magaaladda Qardho iyo meelihii kale ee banaanbaxyada rabshadaha wata ka dhaceen ee looga soo horjeeday Doorashooyinka Xisbiyadda Deegaanka ee Puntland , taas oo ay ku dhinteen Saraalkii iyo Askar ka mid ah Ciidanka Puntland iyo shacabkii banaanbaxayey labada, Halkaas oo aad ka maamul ahaan ka muujiseen inaad u turteen dalka iyo dadkaba .

2. Ururku wuxuu madaxda maamulka hadda jira ugu baaqayaa kana codsanayaa inay Garowsadaan Waddadii ama jihaddii aad Dimoqoraadiyadaa Puntland u marteen inay ahayd waddo Khaldan oo wejiga hore ee aad ku bilowdeen Xisbiyaddu uu ahaa mid aan dalka iyo dadkaba aysan u bisley, in Doorashooyinka Xisbiyada iyo kuwa Deegaankaba dadku u dareeraan ayadoo wax badan oo aasaas u ahaa ama sahli lahaa la dhinac marey markii hore. Dhinaca kalena waxaaba jirey arrimo badan oo Doorashooyinka iyo Xisbiyadda ka muhiinsanaa kuwaas oo ahaa inaad xalisaan ama wax ka qabataan sida Gobolladda maqan, Amniga oo aad Xoojisaan,musuqmaasuqa oo aad la dagaalantaan, Burcadbadeeda, maamul tayo leh iyo meelo badan oo Kaabayaasha dhaqaalaha ah sida (dhismaha Garoomada Diyaaradaha Puntland).

3. Ururku madaxda maamulka hadda jira wuxuu ugu baaqeynaa haddii Qorshihii Kowaad” Plan A” ee ahaa Doorashooyinkii lagu degdegay ka fashilmey ma wax matiijo ahi uga soo bixin maamulka hadda jira, waxaanu ka codsaneynaa inaysan talaabo ama Qorshe Labaad “Plan B” oo dalka iyo dadkaba burbur u keena aysan qaadan, waana inay Issimmadda faraha kala baxaan howshooda isla markaasna aysan culays ku saarin talooyinka, qaabka iyo shaqsiyaadka noqon doona Baarlamaanka cusub ee Puntland. Wax idiin diidaya inaad doorashadda soo gashaana ma jiraan oo haddii aad guulaysataan waa la idinla shaqeyn ,hadii la idinka guuleystana la shaqeeya maamulka cusub, balse dalka iyo dadkuba waxay doonayaan meel ka fiican maamulladi jirey inay gaaraan.

Baaqa qaybaha kala gedisan ee Bulshadda Puntland.

PPjl21. Ururka Nabadda iyo Caddaaladda Puntland (UNCP) wuxuu baaq u dirayaa Musharixiinta madaxweyne, madaxda Xisbiyadda Siyaasada, Siyaasiyiinta, Aqooyahanka iyo dhamaan inta isbedelka iyo Horumarka Bulshadda reer Puntland jecel inaan wax lagu raadin Qori iyo dagaal ,balse wax lagu raadiyo wadda hadal iyo is-afgarad. Haddii Beel walba, Xisbi kasta, Siyaasi walba uu yiraahdo haddii aysan taydu socon ama wax aan doonayo la isiin Qori iyo dagaal baan geli waxa laga dhaxlaa Burbur iyo kala tag, waxaa maamul lagu yahay in lawada ilaashado nidaamka iyo kala danbeynta lagu wadda heshiiyey balse ma jiro qof weligiis qof kale inuu xukumo loo qorey.

2. Ururku wuxuu halkan Baaq uga dirayaa qaybaha kala gedisan ee bulshada Puntland ee ku nool dalka gudihiisa kaas oo ah shacab nabadda jecel wuxuuna leeyahay “ waa in uusan idin isticmaalin ama aydaan dhiigiina u daadin qof aan waxba idin tareyn ama qof dan gaar ah leh yuusan Jaranjaro ama salaan idinka dhigan uu meel ku gaaro“. UNCP waxaanu halkan ka tacsi uga direynaa dadkii shacabkii iyo Ciidankii ku dhintey iyo kuwii ku dhaawacmey rabshadihii ka dhacey 15/07/2013 magaaladda Qardho ee Gobolka Karkaar.

3. Ururku wuxuu baaq u dirayaa dhamaan qurbo-joogta Puntland ee ku kala nool daafaha Dunnida inuu dalkoodii u baahan yahay,lana gaarey xiligii ay samat-bixin lahaayeen. Dalkii iyo dalkiiba waxaa halkaa dhigay waa Aqoon la´aan maamul iyo dadkii u dhashey oo ka maqan, maanta ka caymiya burburka.

Gabagabo

Waxaanu u rajeynaynaa dhamaan Issimmadda , Maamulka, Siyaasiyiinta, madaxda xisbiyadda, Aqoonyahanka, Culimmadda iyo Qaybaha kala gedisan ee bulshada nabadda jecel ee Puntland waxaan Eebe u baryeynaa inay isku dhinac ka arkaan xalka iyo soo noolaynta dalkii iyo dadkii Puntland.

Gudoomiyaha Ururka Nabadda iyo Caddaaladda Puntland (UNCP)
Maxamed Cali Musse Farah
Madhoodhe_251@hotmail.de

„ Alle ayaa nabad iyo Caddaaladdi agtiisa Taalaa, balse ummad aan nabad iyo caddaalad isku maamulin agtooda nololi ma taal“

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles