Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

15 Sano Khibrad Dowladnimo Sooma Haboona in Bulshada Puntland ay Iska Dhex Arkaan Masraxa Siyaasada? W/Q Saciid Qaas

$
0
0

15 Sano Khibrad Dowladnimo Sooma Haboona in Bulshada Puntland ay Iska Dhex Arkaan Masraxa Siyaasada?
Said Qaas
qaas20@hotmail.com
Agoosto 05 2013

QaasPuntland waxaa la aasaasay oo dhidibada loo taagay 1998, waxaa ku baxay Juhdi iyo Maskax badan maanta oo ay 15 jirsatay waxa ay ahayd in loo gudbo Nidaamka Axsaabta badan taasi ma dhicin caqabado badan oo hor istaagay waxaa ugu waa weynaa wadadii ay u mareen Dowlada Puntland madaxdooda ee hada talada gacanta ku haysa. Madaxda Puntland waxa ay isla garteen in lalaalo Nidaamka axsaabta badan oo lagu soo xulo Qaabkii qabiiliga ahaa loona laabto Isimada. Waxaanu qireynaa in Isimada Puntland ee sharafta leh in mar kaste u taaganyihiin bad baadinta Puntland iyo xal u helid Mushkilooyin badan oo marar badan Dowladu wax ka qaban weyso.

Anigoo taas ka duulaya ogna in taladaasi maanta aysan ka maqneyn Isimada iyo cuqaasha Puntland waxaan ku sii adkeyn lahayn in Habka soo xulida xildhibaanada aysan ku Ekaan tix raac oo ah in booskii Xildhibaankii hore lagu celin mid ay isku Hayb yihiin ama hadaan u dhigo si kale ku ekaan dhaxal tooyo. Sida aanu wada ognahay Puntland waxaa ku Nool bulsho aad u tiro badan waxa ayna mudanyihiin in la tix galiyo iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo Aqoonta iyo kartida Xubinta Xildhibaanka u matalaya deegaankaas.

Sida aanu wada ognahay Puntland waxa ay soo martay sadex Doorasho, Qaab kaste oo ay ku dhaceen hadana Nasiib waxaa u yeeshay Qeyb ka mid ah Bulshada weynta Puntland taas oo maslaxad loo arkayey marar badan. Hada waxaanu leenahay khibrad 15 sano oo Dowladnimo inagoo isku duuban aynu Fadliga ilaahay ka sakaw hadana is qadrin iyo Xilkasnimo la yimaadeen Bulsho weynta ku dhaqan Deegaanka. Xilalka ugu sareeya waa in ay noqdaan kuwa ay iska dhex arkaan Dhamaan bulsha weynta ku nool Deegaanka iyadoo aan hayb gooni ah loo raaceyn ee lagu dooranayo Aqoon,karti iyo shakhsi leh astaamo Hogaamin wanaagsan lana hubo in uu Gudan karo waajibaadka iyo Masiirka umadda ee gacanta loo galiyey. Xildhibaanada Puntland ee imaan doona waxaan u soo jeedin lahaa in ay noqaan kuwo ka hufan Fikirka kala sooca ah lana yimaadaan aragti dheer cadaalad iyo xilkasnimo.

Ugu dambeyntii waxaan Maqaalkaan uu yahay mid aragti shakhsiyadeed ah mana ahan mid cid ama qeyb gooni ah Lidi ku ah ama bartilmaameed ee waa mid ku saleysan in Masraxa siyaasada Puntland uu noqodo mid u Furan bulsho weynta qeybaheeda kala duwan ee ku nool dhamaan deegaanada Puntland ka koobantahay.

Said Qaas
qaas20@hotmail.com

=============

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles