Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Jen.Maxamed Nuur Galaal oo DFS ku dhaliilay heshiis ay la gashay Shirkad Holland laga leeyahay taasoo qandaraas ku qaadatay ilaalinta xeebaha Soomaaliya

$
0
0

GalaalMuqdisho(RBC Radio) Jen.Maxamed Nuur Galaal oo ka tirsanaa saraakiishii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay heshiis ay dhawaan wasaarada Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya la gashay Shirkad laga leeyahay dalka Holland taasoo lagu wareejiyey ilaalinta biyaha Soomaaliya iyo tababarida ciidankii badda ee Soomaaliya.

Jen.Maxamed Nuur Galaal ayaa sheegay in heshiiskaasi uu yahay danbi laga galay Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay in shirkad aysan awood u lahayn ilaalinta xeebaha Soomaaliya oo dhererkoodu ka badan yahay 3Kun oo KM.

“Waxaa loo baahan yahay in xeebaha laga ilaaliyo Kaluumeysiga xaaraanta ah,burcad badeeda iyo haraadiga sunta ee lagu daadiyo biyaha Soomaaliya,waajibka intaa la eg suurta gal maaha iney qabato shirkad yar oo laga leeyahay dalka Holland”ayuu yiri Jen.Galaal.

Jananka ayaa bedelkii heshiis lala gali lahaa Kambani waxa uu sheegay iney haboonaan lahayd in dowladda Soomaaliya ay heshiis la gasho dowlad awood leh oo daacad ah taasoo dib u dhis ku samaysa ciidankii badda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Waxaa dowladda u haboonaa intii ay shirkad heshiis la gali lahayd  iney raadsato dal daacad ah oo wax kala qabta dib u dhiska ciidankii badda Soomaaliya,sida turkiga oo kale,waan aragnay in tirkigu uu daacad ka yahay wax ka qabashada dhibaatada Soomaaliya,waana dal leh awood dhaqaale iyo mid ciidanba oo uu hawshaas ku fulin karo”ayuu hadalkiisa kusii daray Jen.Maxamed Nuur Galaal.

Khabiirkan ciidan ee ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa daboolka ka qaaday in wadamada reer Galbeedka ee taageera dowladda federaalka Soomaaliya aysan marnaba dooneen iney Soomaaliya Milateri ahaan iyo Siyaasad ahaanba iney kusoo noqoto sideedii,wuxuuna tilmaamay iney ka shaqaynayaan dibindaabyada Soomaaliya.

Jen.Maxamed Nuur Galaal ayaa tilmaamay in shirkadda ay dowladdu heshiiska la gashay aysan dhaafi karin 12 Mayl,isla markaane aysan u babac dhigi karin maraakiibta shisheeye ee xaalufinta ka wada badaha Soomaaliya oo uu sheegay in qaarkood ay ilaalo ka hayaan Maraakiibta dagaal oo lasoo dhoobay xeebaha Soomaaliya kuwaas oo sheegay iney la dagaalamayaan burcad badeeda Soomaalida.

Jananka ayaa aaminsan in sida kaliya ee loo hanankaro ilaalinta amniga xeebaha Soomaaliya iney tahay  in la helo ciidan Soomaaliyeed oo qabta hawshaas,helida ciidankaasne ay ka horeyso in loo helo dal si hagar la’aaneed Soomaaliya uga gacan siiya dib u dhiska ciidankii badda ee Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles