Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasiirkii hore ee Haweenka Puntland Caasho Geelle oo Sheegtay in Baarlamaanka Puntland Uusan Ka Bixin Garoowe Kana Hadashay Arrimo Badan!!

$
0
0
Narwo Caasho Geelle Diiriye

Marwo Caasho Geelle Diiriye

Boosaaso[RBC Radio] Wasiirkii hore ee Haweenka iyo arrimaha Qoyska Dawladda Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye ayaa ka hadashay Qorshaha cusub ee lagu doonayo in lagu soo xulo Baarlamaanka cusub ee Puntland 2014.

Marwo Caasho Geelle Diiriye oo ka hadashay Waraabinta Puntland ayaa sheegtay in loo baahanyahay in Shacabka Puntland uu helo Baarlamaan leh karti isla markaana u damqanaya Ummadiisa.

Baarlamaan Karti leh

…””Waxaa loo baahanyahay in la helo Baarlamaan karti leh,waxaa loo baahanyahay in la helo Baarlamaan buuxin kara Shuruudihii,waxaa loo baahanyahay in la helo Baarlamaan u ku jiro damaq Shacabkiisa ah…””ayey tiri Marwo Caasho.

Baarlamaan Madax bannaan!!

 Waxay sheegtay Marwo Caasho Geelle in Baarlamaanka jooga hadda uu yahay mid lagu dhaliilo gacansiinta Xukuumadda ayna Isku dhex milmeen labadooduba,taasina aysan Shacabku dooneyn oo ay doonayaan Baarlamaan Xukuumada la xisaabtama.

 ….”” Waxaa loo dhaliilayaa Baarlamaanka hada jira waxa weeye in la helo Baarlamaan madax banaan oo Xukuumadaha ka madax banaan oo Xukuumada la xisaabtama oo Xukuumada khaladkeeda u sheega oo Xukuumada wixii ay ku Saxsantahay dhiirigeliya oo baahiyaha Shacabka jira oo qeylada kasoo yeereysa wax ka qabta….::ayey tiri.

Baarlamaanka Hadda kama Tagaan Garowe!!

 Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ee shaqeynaya ayey ku dhaliishay Marwo Caasho Geelle Diiriye ineysan marnaba ka bixin magaalada Garoowe taasina ay tahay arrin laga Xumaado loona baahanyahay in Xildhibaanadu Shacabka baahidooda ogyihiin.

….””” ….”” Baarlamaanka hadda jira ee Puntland Inta badan kama tagaan Garoowe,Garoowe bey deganyihiin fadhiyaan,Baarlamaanku ugu soo gala uga baxaan,qofku waa in uu Shacankiisa matelo weeye ,waa inuu baahidooda Ogyahay,waa in dhibaatooyinka ay qabaan la socdaa…….’’’’ayey tiri

Baarlamaanka cusub ee lagu wado iney dhawaan yimaadaan ayey ku boorisay iney soo Magacabaan Baarlamaan Sharaf leh kana baqaya Ilaahooda isla markaana u adeegaya Shacabkooda Puntland.

Issimada Sool,Sanaag iyo Cayn!!

 Issimada deegaanada Sool,Sanaag iyo Cayn ayey ugu baaqday iney kasoo qeybgalaan oo Xildhibaanadooda soo sharaxdaan oo ay matalaan si Iyaguna u noqdaan dad wadankooda dib u dhisa kana qeybqaata horumarka Puntland

Shirka Issimada ee Qardho!!

 Shirka ay ku baaqeen Issimada Puntland ee lagu wado in 20-bishan Agoosto 2013 uu ka dhaco magaalada Qardho ayey sheegtay in loo baahanyahay in Issamadu Isugu yimaadaan Isla markaana lagu yagleelo Puntland mideysan.

…””….””Shirka loo ballansanyahay 20-ka Agoosto ee lagu qabanayo Qardho oo Issimadu ay ku ballameen oo ku Iclaamiyeen iney ku qabanayaan halkaas ayaa waxa loo baahanyahay iney Issimadu isku wada yimaadaan kuwa Puntland dhisay…””ayey tiri.

Wasiirkii hore ee Haweenka iyo arrimaha Qoyska Dawladda Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye ayaa tilmaantau in loo baahanyahay in Waayo aragnimadii hore wax laga barto lana arko dadkoo dhan oo Walaalo ah oo wax kuwada heshiiya.

 

______________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles