Dayaca gaalkacyood iyo dooxatada ina Godane (asbaabaha iyo xalka)
Shiikh Cali Xuseen
shiikhali622@yahoo.com
Agoosto 01 2013
Inkastoo dhibaatooyin badan kajiraan guud ahaan gayiga soomaaliyeed hadana waxaad moodaa magaalada Gaalkacyo inay ka jiraan dhibaatooyin aysan la wadaagin wadanka intiisa kale.
Marka laga hadlo Puntland way ka dhacaan qalalaaso , dilal iyo rabshado dadka dhib u keena laakiin magaalooyinka kale way ka dagan yihiin, dadka ku noolna way ka rajo fiican yihiin.
Dhibaatada ugu daran ee aan maqaalkaan uga hadlaynaa waa dilalka aan kala go,a lahayn ee magaaladaas aafeeyey gaar ahaan kuwa ay gaystaan amniyaadka alshabaab iyo sababaha keenay in loo maaro waayo iyo waliba sidee loogu heli karaa xal munaasib ah.
Goormay bilowdeen
Waxay ka bilowdeen magaalada dilalkaasi abbaare sanadkii 2007dii waxaana lagu bilaabay odayaal , waxgarad,culumo, nabadoono iyo haldoorkii magaalada waxaa ku xigay dadka ka shaqeeya maxkamadaha, danbi barista ,gudoomiyayaasha xaafadaha, nabadsugida iyo dabagalka. Waxaa ku jiray ganacsato, wariyayaal, xildhibaano baarlamaan. Waxaan dhihi karaa ma jirto qayb kamida bulshada oo ka badbaaday dilalkaas xataa waxaa kamid ahaa ninkii magaalada u qaabilsanaa dhaqida maydka . xataa waxaa ku jiray dhalin yaro yaryar oo arday ah oo la garan waayey waxay u beegsadeen.
Dilalkaas wali xawli bay ku socdaan bishaan kaliya waxaa lagu dilay sadex marxuum, waxaanan is leeyahay magaaladu waxay kaliya oo dilka ka nasataa bilo kooban oo aan filayo inay tahay marka la kala badalayo labo kooxood.
Waxaa kaloo ka barakacay magaalada in badan oo kamida dadkii bulshada waxgalka u ahaa, inta faro kutiriska ah ee ku hartayna waxay ku nool yihiin ciriiri iyo welwel faro badan iyo kharash badan oo uga baxa is waardiyaynta, si xoriyad ah uma socon karaan qaarkood waxay seexdaan hoteelo si aada loo waardiyeeyo.
Hadaba maxay yihiin sababaha keenay in loo maaro waayo dhibaatadaan ayadoo guulo la taaban karo laga gaaray magaalooyinka kale ee Puntland?.
1) Maamulka .
Laga soo bilaabo dhismihii maamulka Puntland waxaa la dhihi karaa kama hana qaadin gobolka maamul shaqeeya si la siman magaalooyinka kale ee waawayn ee Puntland. waxaana awoodiisu ku koobnayd aruurinta canshuuraha iyo ilaalinta kastamada lacagta badani ugu soo xarooto. Arintaan dhamaan dadka xog ogaalka ihi way la socdaan, dadka aan la socon waxaa tusaale u noqon kara in awoodii dawladnimo ee gobolku ay gacanta u gashay jifooyin sidaa awgeed dhaqdhaqaaq kasta oo uu sameeyo maamulku waxaa loo arkaa dhaqdhaqaaq qabiil, taasoo aysan waxba ka qaban Karin dadka kasoo jeeda beelaha kale. Halka mar kasta oo maamulka dhexe u baahdo inay gobolka hawl ka qabtaan ay u soo diraan ciidan iyo madax ka socota maamulka sare , waxaana iila fiicnaa waxqabad ahaan taliye xigeenka booliska puntland general Muxiyadiin oo shabaabku markay ka lug bixi waayeen ay baabuur ku qarxiyeen inkastoo uu ka badbaaday.
In badan oo kamid ah ciidamada dawladu mushaarka siiso ayaa hoos ahaan u nidaamsan hab beeleed inta badana masaalixda jifooyinkaas ayey ilaaliyaan, sidoo kale madaxda maamulka gobolka waxaa ku jira qaar la magacaabay xiligii la unkay Puntland sida muuqatana aan lagaba qaadi Karin meelaha ay joogaan cabsi laga qabo ciidamadaas iyo jifooyinkaas is huwan. marabo inaan ku dheeraado dhinacaan laakiin ma jiro maamul qaadan kara masuuliyadaas uu ku xalin karo dhibaatada baaxadeedu intaa le,eg tahay.
2) Dadka oo hubaysan.
Kalsooni darada ay beelaha degan magaaladu ka qabaan maamulka gobolka ayaa keentay in beel kastaa hubaysan tahay sidaa awgeed maamuku ma qaban karo qofkii laga shakiyo . waxaana kaliyoo marmar dadkaas qabqabta ciidamo laga soo diray Garoowe. Waxaana tusaale kuugu filan dagaalkii balaarnaa ee ka dhacay xaafada Garsoor kaasoo uu sababay markii maamulku isku dayey inay qabtaan dad ay ka shakiyeen. Sidaa awgeed dhamaan taageerayaashii Shabaab dadkii ku qancsanaa afkaar ahaan sidoodii bay u joogaan ayadoo dadka noocaas ah laga sifeeyey magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso rag iyo dumarba . Dadkaani way ka khatar badan yihiin dhalinyarada dadka laysa ee shabaabku soo diraan iyo kuwa soo dirayba sababtoo ah waxay siiyaan xogta, waxay u soo gudbinayaan dhaqaalaha, waxay u kiraynayaan guryaha , waxay u diyaarinayaa bastooladaha ay wax ku dilaan, tusaale ahaan wiilashii fuliyey dilkii culumada qaarkood oo la qabtay waxay sheegeen in bastooladihii shiikha lagu dilay ay soo galisay magaalada qof dumar ah. Waxaa kaloo tusaale cad ah 2010kii waxaa qarxay guri ku yaal magaalada oo lagu diyaarinayey qarax, gurigaas waxaa kireeyey labo nin oo la yaqaan oo kamida dadka magaalada u dhashay isla markiiba magaalada way ka carareen.
3) Mushkilada oon cadayn.
Waxay caan ku yihiin amniyaadka Alshabaab in dilalkooda foosha xun ay dabool uga dhigaan dacaayado iyo borobogaando ay ku jaahwareerinayaan umada. Inbadan oo umada kamid ihi wali way ku qanci la, yihiin in dhibaatooyinkaas ay ayagu gaystaan. Inkastoo ay dheceen dhacdooyin daaha ka qaaday hagardaamooyinkaas sida dilkii ay u gaysteen labadii sheekh ee Dr Ahmed iyo Sh C/qadir. Inta jaahwaareerkaani jirona wali xalku ma dhawa.marmarka qaarkoodna beelaha walaalaha oo wada dagan oo ayaga haldoorkoodii la laynayo ayaaba is tuhma.
4) Khadka cagaaran
Waxaan oran karaa waa mushkilada ugu wayn ee Gaalkacyo uga duwan tahay Garoowe iyo Boosaaso , maxaa yeelay magaaladu waa hal magaalo oo labo maamul kajiraan , shacabka labada dhinacna waxaa ka dhexeeya kalsooni daro waligeed soo jirtay xataa xiligii talyaaniga waxay u kala dhuuman jireen gumaystaha oo isku diri jireen, waatuu yiri gabayaagii soomaaliyeed :
Garkaa iyo garkaas dadkaas ### labada geesooda
Reer gaalkacyood iyo sharciga ### yaw garnaqi doona.
Sidaa awgeed labada dhinac midna xanuun kuma hayso dhibaatada dhinaca kale haysata,wayna adag tahay in la helo iskaashi labada dhinac ah oo wax looga qabanayo hawshaas.
Magaaladu waa isku dhisan tahay mana jirto calaamad u dhaxaysa oo lagu kala garan karo sidaa awgeed aad bay amniyaad shabaabku uga faaiidaysteen kala qaybsanaantaas aan la isu gudbi Karin waxna la wada qabsan Karin. Bulshada Galmudug ma taageersana shabaabka xataa kuma dhex laha taageerayaal macno leh. hadaba amniyaadku maadaama ay dhinacaas wax ku laayaan dhinacaan iskuma soo jeediyaan si aan loogu midoobin la dagaalankooda. Mida kale waxay dagaan inta badan meelaha labada xaafadood iska galaan si dhinac walba ugu maleeyo wiilsha magaalada ku cusub oo ay u soo diraan laynta dadka dhinaca kale, ayadoo waliba xaafadahaas ay ku badan yihiin dadka kasoo barakacay koofurta Soomaaliya. Waxaa kaloo jira dad ganacsi ahaan ugu xiran shabaabka oo wax u kala gudbiya oo labada dhinacba ah. Dadkaas qaar waa baabuuuray wax qaada, qaarna waa ganacsato lacagaha u kala xawila.
Maadaama aysan labada dhinac isu gudbi Karin way adag tahay in la qabto gacan ku dhiiglaha. Wax wada shaqayn ah oo ka dhexeeyaa labada maamunal majiraan.
Hadaba maxaa xal ah?
Ma sahlana in mushkiladaan si fudud loo xaliyo markaan ka fiirino sababaha aan kor kusoo xusnay laakiin hadii la dadaalo allaahna fududeeyo waa laga guul gaari karaa waxayaalaha aan ku talin lahaa waxaa kamid ah:-
Ø Wax walba waxaa u ah fure maamul lagu kalsoonaan karo oo gobolku yeesho. Maamulkaasi maahan gudoomiye la iska soo magacaabo oo wax awoodi ihi aysan gacantiisa ku jirin . waa in dawlada dhexe geed dheer iyo mid hooseba u fuushaa qaabkii gudoomiyaha loo hoos keeni lahaa awooda dhaqaale iyo ciidan ee gobolka .sidoo kale waa in dawladu yeelataa ciidan ayada u madax banaan oo laga baxo ciidamada markay mushaarka qaadanayaan faraha badan marka loo baahdo hawl dawladnimona beeshooda ka amar qaata .
Ø Beelaha reer gaalkacyo waa inay fahmaan in mushkiladoodu ku xalismi karto dawladnimo dhab ah . waa inaysan garab istaagin dadka looga shakiyo la shaqaynta Alshabaab. Waana inay ogaadaan dadkoodii qiimaha badnaa markay laynayeen inuusan qofkaan beel iyo qaraabo midna uusan fiirin ee uu fududaynayey sidii loo fulin lahaa dilkaas.
Ø Bulsho wayntu waa inay fahmaan Alshabaab maahan urur islaami ah oo diinta ka shidaal qaata ee waa koox ganacsata dhiiga haldoorka umada, jiritaankooduna uu khatar ku yahay nolosha iyo nabad galyada umada soomaaliyeed.intii ku kadsoontay oo u raacday diin iyo jihaadna oo hala roorada run moodayna waa kuwaas hada ayagu gumaadaya waxna cayrsanaya.
Ø Dagaal walba qaabkuu kuu qabsado ayaa looga hortagaa sidaa awgeed kooxaha dilalkaan fuliyaa shaqadoodu waa shaqo sirdoon , waxaa kaliya oo looga hortagi kara in loo shaqeeyo qaab sirdoon. Waa in maamulku isku dayaa inuu dhexdooda ka samaysto dad xogta ka keena , wayna sahlan tahay maxaa yeelay dhamaan sirdoonada caalamiga ah iyo kuwa dawladuhuba dad bay ku dhex lee yihiin kaliya dhaqaale iyo xirfad bay u baahan tahay. Waa in dhamaan beelaha magaalada laga qoraa sirdoon isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan dadka guryaha kireeya, dilaalayda, cirtoogtaha, barakacayaasha, dadka dagan khadka cagaaran, taksiilayaasha IWM.
Ø Amniyaadka alshabaab heerkooda dabagalku aad buu u sareeyaa inta badana waxaa u shaqeeya dad aan loo malayn Karin gaar ahaan kuwa ka shaqeeya nabadsugida, booliska , madaxda dawlada , saraakiisha, gudiyada heerkoodu sareeyo ee gobolka, Qaar lacag bay ugu shaqeeyaan qaarna cabsi sidaa awgeed intaan hawshaan la galin waa in aad loo koobaa dadka hawshaan maamulaya lagana ilaaliyaa shirarka iyo meelaha publiga ah. Tusaale waxaa Gaalkacyo ka dhacday in shirkad kamida kuwa ganacsigu ku yaboohday dhaqaale wax looga qabto amniga magaalada . shirkaas waxaa joogay dad kooban oo u badan madaxda iyo odayaasha magaalada .laakiin waxyar kadib maareeyihii shirkada waxaa laga soo wacay lanmar koofur ah oo la leeyahay waa lagu dilayaa hadaadan ka noqon warkaas, waxaase ka darayd in maalmo kadib uu xafiiskiisa ugu yimid maareeyaha nin ka mida odayaasha magaalada oo ku leh hawshaas jooji hadii kale naftaada ayaad ku khamaaraysaa.
Ø Waa in la helaa dad khibrad u leh hawsha sirdoonka oo lagu kalsoonaan karo. Mida kale dawlada Puntland waa inay dibada u dirtaa dad soo qaata koorsooyin amni ah soona qaata tababaro sare kalana kaashataa dawladaha ay xiriirka lee yihiin . sidoo kale waa inay ka faaiidaysataa dadka khibrada leh oo ay tababaraan sirdoonka dawlada. Waa inay kaashataa dawlada federaalka wixii ay kala qaban karto.
Ø Waxaa jira dad badan oo ka tirsanaan jiray amniyaadka Alshabaab oo maanta kala carar ku jira maxaa yeelay dhibaatadii umada ay ku hayeen ayey isku hayaan sidaa awgeed waxaan ku talin lahaa in laga faaiidaysto kuwa firxadka ah.
Ø Shirkadaha teleefoonada iyo kuwa xawaadahaba xog baa laga heli karaa waxayse u baahan tahay farsamadii looga faaiidaysan lahaa.
Ø Odayaasha iyo waxgaradka iyo maamulka Galmudug waa in lala fariistaa lana xaliyaa waxyaalaha ay tabanayaan intii suurtagal ah, lagana shaqeeyaa sidii ay qayb uga noqon lahaayeen barnaamijka looga hortagayo dhiigyocabyada ayagoo ah maamul madax banaan. Lagana tanaasulaa islawaynanka iyo qabka beelaha mudug caanka ku yihiin lana garwaaqsadaa inta khadkaas cagaarani shaqaynayo amniyaatka Alshabaab waxay haystaa gabbaad adag oon xal loo heli Karin.
Ø Waa in la sameeyaa wacyi galin balaaran oo dadkoo dhan lagu hawl galinayo oo ay qayb ka yihiin dadka bulshadu qadariso sida culumada, isimada, ganacsatada IWM.
Ø Waa in la sameeyaa qorshe ku aadan sidii markiiba loola falgali lahaa markii dilku dhaco maxaa yeelay waxaan ognahay qolyahaani dilka ma fuliyaan ilaa ay xaqiiqsadaan 100% in gacan ku dhiigluhu badbaadayo,sidii aan ka faaiidaysanay filimkii laga duubay dhagarqabayaashii fuliyey dilkii Dr Ahmed Haji ugu yaraan waa in la helaa check points(isbaarooyin) aad u faro badan oo meelo kala duwan ku baahsan . iyo ciidan marwalba heegan ah oo hawshaas u taagan.
shiikh cali xuseen
shiikhali622@yahoo.com
=======================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM