Image may be NSFW.
Clik here to view.
Nairobi[RBC Radio]Waxaa maantey dib xoriyadoodi u heley sida ay sheegtey dowladda Kenya laba sarkaal oo ururka al-Shabaab uu bilowgii sannadkii hore ka soo qafaashay degmada Wajeer oo u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Labadaan sarkaal ee ka baxay gacanta xoogagga al-Shabaab ayaa lugu kala magacaabaa Edward Yesse Mule iyo Fredrick Irungu Wainaina,illaa hadda ma jirto wax faah faahin ah oo laga bixiyay sida ay ku suura gashay in xoogagga al-Shabaab ay sii daayaan labadani Sargaal ee afduubka ay u haysteen.
In kastoo maantey warar ay qorayaan warbaahinta Kenya lugu sheegey in labadan sarkaal lagu sii daayay wadahadallo lagu guuleystay oo dhexmarey xubo ka tirsan kooxdii heysey iyo dowladda Kenya.
Edward Yesse Mule oo ka mid ah labada sargaal ee maantey xoriyadoodi ka heley gacanta al-shabaab ayaa laga ka xeystey gobolka Wajeer bishii jan 2012-kii,qar ka mid ah qoyska uu ka soo jeedo sargaalkan ayaa warbaahinta u caddeyey in la soo dayey uuna dib ula midoobey.
Sargaalka kale oo isna la yirahdo Fredrick Irungu Wainaina waxaa uu isna ahaa sargaal ka tirsanaa wasaaradda socdaalka ee dalka Kenya,waxaa isna la caddeyey inuu ka baxay gacanta al-shabaab kadib wadahadallo dhacay.
Horey xoogagga al-Shabaab barta ay kuledahay Tuwiitarka waxay soo dhigeen muqaal ay ka soo duubeen xiligii labadaan sargaal gacanta ay ku hayeen,waxay ku sheegen inay labadan nin ay sii deyn doonan markii ay dowladda Kenya soo deyso ma xaabis ay ka heyso ururka,lama sheegen in dowladda Kenya wadahadallada ay la gashey al-Shabaab inay ku sii daayen maxaabisti ay horey u sheegen in loo soo dayo al-Shabaab.
12 bishii janaayo 2012-kii ayey ahyeed marki gacanta ay ugaleen al-Shabaab labadaan sargaan oo muddo gacanta ururka ku jirey balse hadda la sii dayey.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo