Garoowe (RBC RADIO) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) oo isagoo Garoowe jooga la hadlayay Idaacadaha Gudaha ayaa sheegay in Maamulka Gal-Mudug uu yahay mid Taag daran oo aan Tabar badan lahayn isla markaana uusan buuxin Haykalkii Maamulnimo sidaa darteedna qayb uu ka yahay Amni darada xiliyada qaar ka dhacda Magaalada Gaalkacyo oo dadka wax dila ay ku dhuuntaan halka uu Maamulkaasi ka arimiyo ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo sida uu Gudoomiyuhu hadalka u dhigay.
“ Magaalada Gaalkacyo waxaa ka arimiya 2 Maamul oo mid uu taag daranyahay waana Maamulka Gal-Mudug waana wax iska cad in Puntland sida ay Dowlad Dhameystiran u tahay in Gal mudug aysan u dhisnayn oo ay meelo kooban ka taliso aysanna ku filnayn xataa meelaha ay gacanta ku hayso, waxaa ku dhuumaaleysta kuwa fidna-wadayaasha ah oo dadka Gaadmada ku dila waan ognahay mana la inkiri karo waayo waxay arkeen maamul aan isku filnayn oo wixii la doono laga fushan karo in uu ka jiro Koonfurta Soomaliya,Dhankooda kuwo ka socda oo wax soo haleeyey in ay nasoo gaaraan waa laga yaabaa laakiin kama harno ilaa aan soo qanabo sharcigana marsiino sidaana waxaa yiri Gudoomiye Tigey.
Mudane Tigey Mar uu ka hadlayay Arimaha Amaanka Gaalkacyo wuxuu sheegay in Amniga Magaalada iyo kan Gobolka uu yahay mid degen oo ay joogaan ciidamo kala duwan oo Puntland ka tirsan balse wuxuu sheegay Tigey in ay jiraan Kooxo Damiir laawayaal ah sida uu hadalka u dhigay kuwaasi oo Gabal liicii iyo Salaada Cishe inta u dhexaysa Dilalka Geysta kadibna baxsada wuxuuse ugu baaqay dadka wax garadka ah iyo kuwa wax ku oolka ah ee dilalka lala damacsanyahay in ay waqtiyadaa iska ilaaliyaan oo dadka wax dilaa aysan habeenkii Sagaalka fiidnimo wixii ka dambeeya aysan Talaabo qaadi Karin sida uu Gudoomiyaha Gobolka Mudug Sheegay.
Gudoomiyaha oo laga wareystay Xuska Maalinta 1da Augost oo ku beegan Maalinnimada Beri oo Khamiis ah ayaa sheegay in Gobolka uu si wacan ugu diyaar garoobayo Sugida nabadgelyada iyo Xuska Maalintaasi isagoo sheegay in ay iska jiritaan Cadaw Carqaladeeya Xuska Maalintaasi balse wuxuu hoosta ka xariiqay in Cidanka Amniga ee Gobolka iyo Guud ahaan Puntland heegan buuxa la gelshay oo ay Amniga si buuxda u sugi doonaan.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ayaa iminka ku sugan Magaalada Garoowe sida uu sheegayna wuxuu ka qayb gali doonaa Munaasabada 1da Augosta oo la filayo in lagu qabto Xarunta Madaxtooyada Habeenimada Jimcaha ee fooda nagu soo haysa kadibna uu u baqooli doono Magaalada gaalkacyo,gudoomiye Tigey ayaa dhawr Jeer sheegay in uu wax badan ka bedelay Gobolka Mudug Marka loo eego dhanka Amniga, Dhalinyarada, Dhaqaalaha, iyo Deegaanka isagoo soo saaray Barnaamij wax qabadka Gobolka looga hadlayo oo la magac baxay Mudug Shalay iyo Maanta.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.