Galgaduud(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa ku waramaya in meel u dhaxay deegaanada Qaydare iyo Maarsamuge lagu dilay 4 haween ah oo la sheegay iney isku qoys ahaayeen,arintan ayaa la sheegayaa iney ka danbeysay kadib markii koox hubaysan oo isa soo abaabushay ay xalay saqdii dhexe duulaan ku qaadeen Aqalka ay Gabdhuhu ku noolaayeen.
Waxaana lasoo sheegayaa in raggaasi hubaysnaa ay rasaas la dheceen guriga ay Gabdhuhu ku jireen,waxaana ay dadka deegaanku ku warameen iney halkaa ku geeriyoodeen 4 Gabdhood halka ay 3 kalane ku dhaawacmeen,dadka deegaanka ayaa sheegaya in falkani uu daba socdo aanooyin qabiil oo muddooyinkii danbe ka taagnaa deegaanadaas.
Hooyada qoyskan dhibaatada ba’an loo geystay ayaa la sheegay in ey xiligaas guriga ka maqneed halka Aabaha reerkune uu hore u geeriyooday,Gabdhaha dhintay ayaa lasoo sheegayaa iney intooda badan ka yaryihiin da’da Qaargaarnimad ayna ahaayeen Carruur agoon ah oo tabaaleysnaa.
Kooxdii geysatay falkaa foosha xun ee waxashnimada ah ayaa goobta ka tagay markii ay dhibaatada geysteen kadib,wararka aynu ka heleyno deegaanka ayaa tilmaamaya in saaka xaaladda dadka deegaanku ay tahay mid kacsan.
Maamulka Ximin iyo Xeeb oo ay hoos yimaadaan deegaanka ay dhibaatadani ka dhacday ayaan ilaa hadda wax war ah kasoo saarin xasuuqa ka dhacay deegaanada uu ka arimiyo, Diinta Islaamka iyo dhaqanka ummadda Soomaalideey ayeysan meelna uga jirin laynta dad Muslimiin ah oo aan waxba galabsan hasa yeeshee Soomaalida oo ku caanbaxday dagaalada salka ku haya aanooyinka qaboolka ayaa hadane ka dhowrsan jiray dhibaateynta Birimagaydada oo Haweenku ay ugu horeeyaan.
RBC Radio
Muqdisho