Image may be NSFW.
Clik here to view.
Gaalkacyo[RBC Radio]Magaaladda Gaalkacyo waxaa mantay laga furay xarun uu yeelan doono Bangiga Salaam oo horay xarumo kala gadisan ugu laha deegaanada Puntalnd.
Munaasabad balaaran oo dah fur u -ahyeed ayaa maantay ka dhacday Gaalkacyo waxana munaasabadaasi ay ahyeed mid ay kasoo qayb galeen isimmo,maamulka bangiga iyo shirkadda Golis,ganacsato iyo waxgarad kala duwan.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Munaasabada furitaan ka ayaa ahyeed mid qado sharaf ah taasi oo intaa lugu guda jiray halkaasi laga soo jeediyay hadalo ku socda bangiga Salaam kasii iyadoona hadaladi la jeediyay ay ubadnayeen kuwo howlihisa shaqo lugu boorinayo ugu horena waxaa hadalka hor qatay maamulaha Salaam banki Shucayb X.Nuur Maxamed waxana uu sharaxad dheer ka bixiyay bangiga iyo sidda uu ku shaqen dono waxana uu sheegay in dhismaha bangiga xili an sidda usii dheren ay furi doonan inksto hadda si hordhac ah oo ay uga goleyihiin siddi ay shacabka uga faa’iidi lahayeen adegyada bangi ee ay u bahan yihiin taasina ay sabbabtay in loo so hormariyay.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Dhinaca kale waxaa uu codsi usoo jeediyay maamuluhu dhamaanba shacabka gobolka isagona ka cod saday inay ku kalsoonaadaan adeegga cusub ee uu u wado salaam Bank.
Siddoo kale waxaa isna hadal ka jeediyay munaasabada Maareeyaha guud ee shirkadda Golis Dr. Cali Xaaji Warsame isagona sharaxaad ka bixiyay habka qabka ay doonayan inay bulshada ugu adeegan waxana uu sheegay inay doonayan inay ku adeegan hab ku sharciyeesan diinta islaamka taasi oo ay ku shaqeeyan habka bangiyada Islaamigaa,siddo kale waxaa uu hadalkisa ku ballan qaday inay lacagta lagu isticmaalayo Salaam Bank ay damaanad qaadayso shirkadda Golis.
Nabadoon Daahir Maxamuud (Indha-yare) ayaa sheegay inuu noqonayo qofkii ugu horeeyay oo furta akoonka Salaam Bank ee Gaalkacyo.
Waxaa iyaguna hadalo madasha ka jeediyay qar kamid ah ganacsatada gobolka oo ka soo qayb gashay furitaanka Saalam banki waxana ganacsatadi hadalka jeedisay ka mid ahaa Eng. Cumar C/dulle Cumar Dheere waxana hadal soo dhawen ah kadib uu sheegay inay ka dhur sugayaan hananka shaqo ee uu ku bilobmo bangiga Saalam.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Intaas kadib Ganacsade Axmed Cabdi Cartan oo ka mida dadka isticmaala adeega Salaam ayaa tilmaamay in faa’iido weyn ku jirto isticmaalka baananka isagona dhinaca kale soo hadal qaday inuu isagu uu kamid yahay dadka uu ufuran yahay.
Xaruuntan uu furtay Salaam banki ayaa noqonaysa xaruunti ugu horesay ee uu gobolka ka furto,dhamana ddawaynaha kasoo qabgalay furitaankisa ayaa siweyn usoo dhaweyay.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio Xafiiska Wararka Gaalkacyo