Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20156

Dawladda Turkiga oo shaaca ka qaadday inay Madaxweynaha Somaliland kala hadashay Midnimada Soomaaliya

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Ankara(RBC):- Dawladda Turkiga, ayaa shaaca ka qaadday inay ka shaqaynayso midnimada Soomaaliya, isla markaana ay rejaynayso in dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya marka ay cago adag ku istaagto kala shaqayn doonto sidii la isugu keeni lahaa maamullada dalka ka jira.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Turkiga, ayaa qoraal ka soo baxay, waxa lagaga warramay waxyaabaha ay ka wadahadleen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa shalay Hargeysa dib ugu soo laabteen iyo Wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga oo kulan ku yeeshay Khamiistii magaalada Ankara ee Caasimadda dalkaas.

War-saxaafadeedkaas oo lagu baahiyey Bogga Internet-ka ee Wasaaradda arrimaha debedda dalka Turkiga, ayaa lagu shaaciyey mawqifka Xukuumadda dalkaas ee siyaasadaha Somaliland iyo Soomaaliya iyo kaalmooyinka dhinaca horumarka iyo soo-celinta xidhiidh taariikhi ah oo Turkigu la wadaago Somaliland.

“Wasiirka Arrimaha Debedda Turkey  Mr. Ahmet Davuto?lu waxa uu 13-kii March, 2013 kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Mr Axmed Maxamed (Siilaanyo). Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen Shan Wasiir oo Wasiirka arrimaha dibeddu ku jiro, waxa lagu soo qaaday Mashaariicda ay Somaliland ka fuliyaan Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah iyo Horumarinta ee Turkiga (TIKA) iyo Ururrada Turkiga laga leeyahay ee aan Dawliga ahayn ee gudaha Somaliland ka hawl-gala.”  Sidaa ayaa lagu yiri qoraalkaas.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha ee Turkiga, ayaa sii socday, waxaana lagu yiri; “Wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga Ahmet Davutoglu waxaa u sheegay Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirrada la socday in uu Turkigu sii wadi doono gacanta dhaqaale iyo gargaarka uu siiyo dhammaanba qaybaha Soomaaliya ka koobantahay oo Somaliland ku jirto.”

Waxaa sidoo kale, qoraalkaas lagu sheegay muhiimadda xidhiidhka Somaliland u leeyahay dawladda Turkiga, waxaana lagu yiri; “Somaliland waxay muhiimad gaar ah ugu leedahay Turkiga xidhiidhada taariikhiga ah ee dawladdii Cismaaniyadu la lahayd. Iyada oo la xoojinayo mawqifka Turkiga ee Midnimada Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibeddu waxa uu iftiimiyey in Turkigu sii wadi doono taageeradiisa dhanka dib-u-heshiisiinta, deggennaansha iyo horumarka dadka Soomaalida ah.”

Si kastaba ha ahaatee, qoraalkan xalay ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee dawladda Turkiga, ayaa u muuqda mid kashifaya guulo gaar ah oo Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisu sheegeen inuu ugu soo dhammaaday safarkooda Turkiga oo ahaa midkii ugu horreeyey ee Wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne Somaliland ka taliyaa ku tago Turkiga.

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20156

Trending Articles