Falanqeyn Idman: Dowladda Federaalku waa ka qayb qalalaasaha Siyaasadeed ee Puntland.
Falayqeeye Idman Shiine Culay
shiine.culay@gmail.com
Luulyo 23 2013
Hordhac.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaanka u hayo Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud & Dowladda Puntland ee uu horseedka u yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud Faroole waxaa u dhexeeye Dagaal siyaasadeed (Political war) kaas oo leh wejiyo kala duwan kana furan furimo dhowr ah sida :-
1. Dhismaha Maamulka Juballand.
2. Dastuurka Dowladda Federaalka.
Dhismaha Maamulka Juballand.
Dadaalada lagu dhisaayo maamulka Jubaland waxay soo socdeen mudo dheer wuxuuna ahaa mid ay iska kaashanayeen Dowlada TFG, Urur Goboleedka IGAD & Dadweynaha ku dhaqan Deegaanadaas.
Inkasta oo Dowlada Federaalku markii hore ogolaatay waxna ka ogayd dhismaha Jubaland hadana khilaafkii ugu horeeyey ee labada dhinac wuxuu soo bilaabmay markii Madaxweyne Shiikh Shiriif ka codsaday Dowladda Kenya & Midowga Africa inay Muqdisho u soo daad gureeyaan ciidan gaarayey 2000, oo Askari kuwaas oo laga soo ururiyey Gobolada Jubooyinka & Gedo ujeedada laga lahaana ay ahayd inay Deeganadaas ka xoreeyaan maleeshiyada Al-shabaab, Codsiga Madaxwaynaha waxaa ka horyimi siyaasiyiinta ku abtirsada Jubaland oo ku dooday in baahida taala Muqdisho mid ka weyni ka jirto Deeganadaas loona baahan yahay in Ciidamadaas ka hawl galaan aagagii horay loogu qorsheeyey.
Xaaladu waxay cirka isku shareertay kadib markii Ciidamdii loo tababaray Jubaland, xoogagii Raaskanbooni & Kuwa Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya furin dagaalna kaga soo fureen Kooxda Al-shabaab xadka u dhexeeya labada Dal, Hawlgalkaas huwanta ahaa waxaa si adag uga horyimi Madaxweyne Shiriif Sh. Axmed isagoo ku dooday in aan Dowladiisa waxba lagala socodsiin, nasiib wanaag dadaal dheer oo diblumaasiyeed kadib waxaa lagu guulaystay in Madaxweynaha lagu qanciyo in Dowladiisu taageerto hawlgalkaas.
DFKS si weyn isuguma mashquulin inay lug badan ku yeelato dhismaha maamul Goboleedkaas wakhtigeedii oo gabaabsi ahaa awgiis & Masuuliyiinteeda oo ku mashquulsanaa meel marinta qorshihii Road map taas bedelkeeda waxaa madaxda TFG dhexdooda ka curtay loolan siyaasadeed sidaa darteedna masuul kastaa wuxuu baahi u qabay taageerada beelaha mana doonaynin inuu lumiyo beel ka mid ah.
Doorashadii Madaxweyen Xasan Shiikh .
Doorashadii Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud waxay ku soo aaday iyadoo dagaalkii u dhexeeyey Ciidamadii huwanta ahaa & Maleeshiyaadka Al-Shabaab uu ku soo fiday nawaaxiga Magaalada Kismaayo ilaa ay khasab ku noqotay kooxdu inay isaga baxdo magaalada kadib markii weeraro culus lagag soo qaaday Dhulka, Cirka & Bada.
Qabsashadii Kismaayo waxay keentay in Maamul KMG ah looga dhawaaqo magaaadaas lana soo dedejiyo qorshihii maamul Goboleedka loogu dhisayey Gobolada Jubooyinka & Gedo.
Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud mudadii uu xafiiska joogay wuxuu adeegsaday awood & farsamo kasta oo uu ku xagal daacin karay dhisitaankii Maamul Goboleedka Jubaland markii uu ku guuldaraystay isku day walba ugu danabayntii wuxuu ku gacan sayray doorashadii Madaxweyne Axmed Madoobe isagoo diiday inuu aqoonsado Maamulkaas.
Taageerada Puntland.
Dowlada Puntland oo bud dhig u ah nidaamka Federaalka Soomaaliya isla markaasna ah Maamul Goboleedkii ugu horeeyey ee ka hana qaada geyiga Soomaalida waxay si aan hagar lahayn ugu fidisay taageero nooc kasta leh dadaaladii lagu dhisayey Jubaland & socod siinta maamulka curdinka ah ee uu hogaanka u hayo Axmed Madoobe.
Puntland & Jubalad ma wadaagaan wax xuduud ah waxayna kaga kala yaalaan Soomaaliya Bari & Koonfur ma qabo inay jirto ujeed ama dan siyaasadeed oo kale taas oo ku khasbaysay Xukuumada Madaxweyne Faroole inay taageerto Maamul Goboleedkaas marka laga yimaado inay Puntland ku dadaalaysay in la helo Dowlado xubno ka noqda Dowlada dhexe si loo meel mariyo hirgelinta nidaamka Federaalka waxaana taas tusaale kuugu filan sida Puntland ugu balan qaaday taageero la mid ah tii ay siisay Jubaland qorshe kasta oo maamul Goboleed cusub loogu dhisayo Gobolada Dalka.
Puntland waxay u fidisay Jubaland taageero siyaasadeed iyadoo ku qancisay wadamada deriska ah & Beesha Caalamku inay taageeraan Maamulkaas waxayna ku guulaysatay inay albaab kasta oo diblumaasiyadeed ka soo xirto Dowlada Federaalka Soomaaliya oo iyaduna dhankeeda dadaal ugu jirtay sidii ay u curyaamin lahayd hana qaadka Jubaland.
Talaabada geesinimada leh ee ay qaaday Puntland waxay si weyn uga caraysiisay Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud taas oo sababtay inuu xumaado xiriirka u dhexeeya DFKS & Puntland.
Dastuurka Dowladda Federaalka.
Ka sakoow Puntland inay ahayd hooyadii & hindisihii in Dalka laga hirgeliyo Nidaamka Federaalka hadana waxay qayb libaax ka qaadatay diyaarinta Dastuurka oo qayb ka ahaa qorshihii Road map iyadoo Garoowe ku qabatay shirarkii 1 & 2 oo dhamaantood ku saabsanaa dhamaystirka Dastuurkii qabyada ahaa taas oo ay amaan badan kaga mutaysatay Soomaalida dhexdeeda & Beesha Caalamka.
Dadaal, Himilo & Hindise kasta oo Puntland ugu jirtay sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa ku dhaqanka hanaanka Federaalka waxaa barbar socday xagal daacin ka imanaysay siyaasiyiinta reer Koonfureedka oo dhankooda aaminsanaa in Dalka loo dhiso Dowlada dhexe oo awoodeedu ku urursan tahay Muqdisho.
Si sahlan kuma iman in maantadan la joogo uu leeyahay Dalku Dastuur & Dowlada Federaal ah oo aduunka dhaqami aqoonsan yahay sidoo kale weli ma uusan dhamaan aragtidii siyaasiyiinta reer koonfureedku ku diidanaaayeen nidaamkaas waana sababta keentay in Dastuurkii wakhtiga badan lagu bixiyey, Beesha Caalamku xogog gaalka u ahayd, la aaminsanaa inuu yahay xalka keliye ee Soomaali dib isugu soo celin kara, inta laga daba yimaado maalinba qodobkii la doono laga saaro.
Inkasta oo Madaxweyne Xasan marar badan ku celceliyo inuu taageersan yahay hanaanka federaalka hadana waxaa la aaminsan yahay inuu laali lahaa nidaamkaas hadii uusan u baqynin sharciyadiisa maadaama isaga lagu soo doortay uuna ku khasan yahay inuu ku shaqeeyo, Wadada keliya ee u furanatayna waxay noqotay in uu dagaal hoose u galo sidii uu habka Federaalka uga takhalusi lahaa wuxuuse mar kale laf ka liqi waayey Puntland oo meel kasta & miis walba soo saartay Dastuurkii saxda ahaa & cadaymo muujinaya sida uusan Madaxweynuhu daacad uga ahayn in Dalka laga hirgeliyo Nidaamkii Soomaali ku heshiisay (Federaal).
Xasan Shiikh Vs Cabdiramaan Faroole.
Madaxweyne Xasan Shiikh markii uu garawsaday sida uu u fashilmay iskudaygii uu ku doonayey inuu ku hor istaago dhismaha Jubaland & sida Puntland uga hortimi wax ka bedelkii uu ku sameeyey Dastuurka wuxuu aaminay ilaa ay xafiiska banayso Xukuumada Madaxweyne Faroole in aysan waxba ka suurtageli karin isku dayadaas .
Dowladda Federaalku way ka dheregsan tahay sida shacabka reer Puntland & waxgaradkoodu aysan uga suurto gelin inay gacmahooda ku burburiyaan maamulkii ay mudada dheer ku soo caana maalayeen sidaa darteed waxay garwaaqsadeen inay uga fududa tahay sidii ay ku burburin lahaayeen Maamulkaas inay helaan Xukuumad uu hogaanka u hayo Madaxweyne ay iyagu kursiga ku fariisiyeen oo aan sinaba uga hor iman karin qorshe kasta oo ay wataan sida Raysal Wasaare Saacidna iskaga qanacsan oo qura xilka uu huwan yahay.
Sidaa darteed waxay abaabul u gashay sidii ay u taageeri lahayd siyaasiyiintii ka soo horjeeday geedi socodka Dimuqraadiyada Puntland maadaama ay ku adkaan lahayd inay rumowdo riyadoodu hadii hanaankaasi hirgalo kaas oo shacabka xaq u siinayey inay soo doortaan hadba xisbigii ay ku qancaan qorshayaashiisa.
DFS markii ay ku guulaysatay qorshayaashii lagu majo xaabinayey nidaamkii xisbiyada badan lana filayo Madaxweynaha soo socda inay soo doortaan Golaha Baarlamaanka (66 Xildhibaan) oo lagu xanto inay hadba codadka u badiyaan musharaxii jeeb buuran waxay bilowday sidii doorashada Madaxtooyada Puntland uu ugu guulaysan lahaa siyaasi ay iyadu soo maalgelisay sida lagu helayo xogo dhowr ahna waxay tibaaxayaan in ay samaysatay laba qorshe (A Plan & B Plan ) si aysan marna uga khasaarin fursadaas.
Qorshaha Koowaad.
Qorshaha koowaad Dowladda Federaalku waxay ku taageeraysaa Xildhibaan: Siciid Cabdulaahi Dani oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya & koox diimeedka Al-islaax ee majaraha u haya Madaxtooyada Soomaaliya, aqoon ahaan & maaliyad ahaana ah nin dhisan.
Xildhibaan. Deni kooxda damul jadiid waxay u arkaan nin muhim u ah doonitaankooda waa siyaasi ku cusub masraxa siyaasada, Ka tirsan kooxda Al-Islaax, Waayo aragnimo fiican aan u lahayn hanaanka Federaalka ayna fududaan doonto sida ay isula jaan qaadi doonaan hadii uu u fariisto Madaxtooyada Garoowe sidaasna uu meesha kaga bixi doono khilaafka u dhexeeya iyaga & Puntland.
Kama mid ahayn mudanayaashii u ololeeyey dhismaha Maamulka Jubaland marna ma cadayn mowqifkiisa ku aadan nidaamka federaalka taas oo ku dhiiri gelisay Villa Soomaaliya taageeradiisa.
Sidaa darteed waxay ku bixinayaan dadaal & kharash kasta sidii uu majaraha ugu qaban lahaa hogaanka Puntland waxaana durba ololihiisa laga dareemi karaa Dalka gudihiisa & Dibadiisa gaar ahaan Dubai, Isagoo waayadan danbe si weyn isugu mashquuliyey xaaladaha siyaasadeed ee Puntland iskana ilaaway xilkii loo igmaday ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Qorshaha Labaad.
Hadii ay Dowlada Federaalku ku guuldaraysato qorshaheeda koowaad waxaa u diyaarsan qorshe labaad waayo waxay ka dheregsan yihiin in musharaxa ay wataan uu yahay shakhsi ku cusub masraxa siyaasada ayna dhici karto inuusan ku guulaysan doorashada.
Qorshaha labaad sida laga soo xiganayo ilo xogogaal ah waxaa kooxda Damul jadiid miiska u saaran Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo hada si weyn u mucaaradsan Xukuumada Puntland.
Dr. Gaas dhankiisa kooxdu waxay u arkaan nin muhiim ah wax badana kaga duwan Xildhibaan: Deni kana fursad fiicnaan kara, wuxuu leeyahay waayo aragnimo siyaasadeed, Waxay qabaan in si weyn looga taageersan yahay gudaha Puntland & In si fudud loo iibin karo siyaasadiisa laakiin waxay qorshaha koowaad uga dhigan waayeen waayo aragnimada uu u leeyahay Dowladda dhexe oo uu mar ka soo noqday Raysal Wasaare, Xiriirka uu la leeyahay qaybo badan oo ka tirsan beesha caalamka, Taageerada uu u hayo Jubaland oo uu marar badan cadeeyey & Sida uu xogogaal ugu yahay Dastuurka Federaalka .
Heshiiska hoose ee u dhexeeya Villa Soomaaliya & Dr. Gaas waxaa laga dheehan karaa sida uu uga aamusay wax ka bedelka Madaxweyne Xasan Shiikh ku sameeyey Dastuurka oo la rabay inuu si weyn uga gilgisho maadaama uu ahaa Shakhsigii wakhtiga badan ku bixiyey sidii loo meel marin lahaa khariiradii Road map.
Waayo Aragnimo la dhaxlay.
Maaha markii ugu horaysay oo Dowlad fadhigeedu yahay Muqdisho ama Madaxweyne Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Gobolada koonfurtu uu isku dayo inuu afka ciida u daro Maamulka Puntland ama ugu yaraan ugu sameeyo faragelin siyaasadeed.
Dowladii Carta ee Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan waxay isku dayday inay talada ka tuurto Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland AHN. Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo si weyn uga biyo diidsanaa qorshihii lagu dhisay Dowladaas talaabadaas oo qayb ka noqotay dagaalkii sukeeye ee ka qarxay gudaha Puntland 2001.
Sababo isku eg.
Faragelintii Dowlada Carta ku samaysay Puntland sanadkii 2001 & faragelinta ay hada ka wado Xukuumada Madaxweyne Xasan Shiikh gudaha Puntland waxay isaga egyihiin sababo dhowr ah sida :
1. Khilaafka hanaanka Federaalka.
2. Xaaladaha Gobolada Jubooyinka.
Labadaas qodob waxay bud dhig u ahaayeen khilaafkii Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan & Madaxweyne AHN. Cabdulaahi Yuusuf sidoo kalena maantadan la joogo waxay bud dhig u yihiin khilaafka ka dhex oogan Madaxweyne Xasan Shiikh & Dr. Cabdiraxamaan Faroole.
Fursado isku mid ah.
Dowladii Carta waxay heshay fursad ay xukunka kaga tuuri kartay Madaxweyne Yuusuf kadib markii ay dhamaatay mudadii xilka loo dhaarshay laguna kala aragti duwanaaday mudo kordhin Xukuumadu samaysatay fursadaas oo ay si fiican uga faa’iidaysatay iyadoo kaashanaysay siyaasiyiin reer Puntland waxaana sheki ku jirin in ay boqolaal kun oo doolar u soo waariday gudaha Puntland si loogu fuliyo qorshihii siyaasadeed ee ay wadatay.
Dowlada Madaxweyne Xasan Shiikh waxay hada haysataa fursad la mid ah tii ay heshay Dowladii Carta kadib markii ay soo dhowaatay mudadii Xafiiska loo doortay Madaxweyne Faroole dib u dhacna uu ku yimi geedi socodkii Dimuqraadiyada oo la filayey in lagu soo doorto Xukuumada cusub welina aan la soo bandhigin qorshaha xigi doona hakinta Doorashooyinkii Dowladaha hoose fursadaas oo Dowlada Federaalku hada ugu hawlan tahay inay uga faa’iideysato sidii Xukuumadii Carta oo kale.
Maxaa la Gudboon Shacabka & Siyaasiyiinta Puntland.
Waxaan haysanaa waayo aragnimo fiican oo aynu ka dhaxalnay faragelintii Xukuumadii Carta taas oo inoo horseeday qalalaase Siyaasadeed & Dagaal sukeeyo oo khasaarooyin baaxad leh inoo geystay nasiib wanaag waxaa inoo ah in aynu ka soo badbaadnay dabinkaas la inoo maleegay.
Waxaan ka dheregsanahay khatarta ay leedahay inay siyaasadaheena gudaha soo fara gashadaan Maamulo kale ama Shakhsiyaad aan u turaynin jiritaankeena & mustaqbalka ubadkeena.
Siyaasi lehoow aragti dhow ama mid fog rajo kasta ha kaaga jirto hogaaminta Puntland waxaa hubaal ah in hadii aan adiga lagu soo adeegsan aysan u suurta geli karin cadow kasta inuu faraha la soo galo arrimaheena oo wixii dantiisa ah ka fushado sidaa darteed waxaa kula gudboon inaad ka ciyaarto kaalinta kaaga aadan sidii Dalkeena & Dadkeena looga dhowri lahaa waxkasta oo dhibaataynaya.
Dadweyne waxaa tihiin awooda ugu weyn ee jirta, Cida lagu loolamayo in masiirkeeda la hogaamiyo, Sinaba la idin kuma khasbi karo wax aan ka ahayn rabitaankiina, Waxaa tihiin cida ka faa’iidaysa Horumarkasta oo Puntland gaarto & Cida ay taabanayso khasaaraha ugu weyn hadii dhibaato timaado, Sidaa darteed waxaa idin la gudboon in aad muujisaan Midnimo, Dulqaad, Dadaal & Isu tanaasul si aynu uga gaashaamano dhibaatooyin kasta oo la inala damac san yahay.
Guul Eebe.
Shiine Culay
Qoraa, Faaloode & FI Raxanreeb.
Facebok: Shiine Culay Follow on Tiwtter: @Shiineculay Email: shiine.culay@gmail.com