Jowhar(RBC Radio) Maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ayaa daboolka ka qaaday iney ku wajahan yihiin deegaanada gobolkaas ee gacanta ugu jira alshabaab,kulan ay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ku yeesheen masuuliyiinta maamulka gobolkaas iyo Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa waxaa warbaahinta uga warbixiyey waxyaabihii looga wada hadlay gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow.
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Cabdi Jiinow ayaa sheegay iney saraakiisha ciidanka AMISOm ay ka wada hadleen sidii ay alshabaab uga saari lahaayeen deegaanada iyo degmooyinka ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe ee ay wali gacanta ku hayaan,wuxuuna shaaca ka qaaday iney go’aan ku gaareen iney saacadaha soo socda u dhaqaaqaan deegaanada ka maqan gacanta dowladda ee gobolkaas.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Saacadaha soo aaddan ay ciidamada isgarabsanaya ee xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ay u ruqaansan doonaan goobaha ay ka ariminayaan alshabaab ee ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe.
Masuuliyiinta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa maalmihii danbe sheegayey in weerar lagu qaadi doono deegaano ay ka mid yihiin degmada Mahadaay oo 30Km u jirta magaalada Jowhar halkaas oo ay ka taagan tahay colaad u dhaxaysa beelo walaalaha si dhibaatada beeraleyda ka dhex taagan loo xaliyo ayey sheegeen iney muhim tahay in marka hore deegaanka laga saaro alshabaab oo xiligan gacanta ku haya.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku haysa degmooyinka Jowhar iyo Balcad oo kaliya halka intii badneed degmooyinka gobolkaas ay ka maqan yihiin gacan ku haynta dowladda Soomaaliya.
RBC Radio
Jowhar