Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Jaamacada Simad oo Maanta Muqdisho ka Hirgalisay Maktabad Casri ah

Muqdisho(RBC Radio) Jaamacada Simad ee magaalada Muqdisho ayaa maanta xariga ka jartay Maktabad ay ka hirgalisay Muqdosho munaasabada si weyn loosoo agaasimay oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiinta waxbarashada dalka,maamulka Jaamacada Simad masuuliyiin iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay taasoo xariga looga jarayey Maktabad Cilmiyeed ay  Jaamacad Simad ka furtay Muqdisho ayaa lagu qabtay xarunta Jaamaca ee degmada Warta Nabadda.

Gudoomiyaha Jaamacada Simad C/raxmaan Max’ed ayaa sheegay in furitaanka Maktabadani ay soo socotay muddo dheer wuxuuna sheegay iney gacan weyn ka geysteen hay’ado fara badan sidii loo qalabeyn lahaa Maktabada Simad ee maanta Muqdisho laga furay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in xliyadii ay Jaamacadu ahayd  Machadka uu jiray fikirka ah helida Maktabad ay ka faa’iideystaan ardayda Soomaaliyeed wuxuuna tilmaamay in ugu danbeyntii hada lagu guuleystay hirgalinta Maktabada oo ay yaalaan kumanaan buug oo cilmi ah, kuwaas oo wax badan ka bedeli doona heerka aqooneed ee ardayda Soomaaliyeed.

Max’ed Cilmi Tooxow oo ka mid ah madaxda dallada Fpens una qaabilsan dhanka Imtixaanada ayaa ka hadlay ahmiyada ay leeyihiin maktabaduhu wuxuuna sheegay iney waayihii hore ahaayeen waxa ugu weyn ee aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta lagu qiimeeyo,wuxuuna hoosta ka xariiqay in Maktabaduhu ay yihiin  wax ay ku tartamaan bulshooyinka hore u maray ee caalamka ayna tahay guul weyn in maanta magaalada Muqdisho laga hirgaliyey Maktabad Casri ah.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Trending Articles