Muqdisho(RBC Radio) Wafti ka socda wadanka Yemen gaar ahaan shirkadaha duulimaadka wadankaas oo maanta soo gaaray magaalada Muqdishon ee caasimada Soomaaliya ayaa maanta kulan kula qaatay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho wasiirka wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/laahi Ciil-mooge Xirsi markii uu soo idlaaday kulanka ay wada yeesheen labada dhinac ayaa waxaa warbaahinta uga waramaya waxyaabihii ay ka wada hadleen wasiirka warfaafinka xukuumada Soomaaliya.
C/laahi Ciil-mooge Xirsi ayaa sheegay in waftiga ka socda shirkadaha duulimaadyada dalka Yemen uu ahaa ujeedka safarkoodu sidii ay u indha-indhayn lahaayeen xaalada guud ee garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay damacsan yihiin iney waqtiyada dhow ka bilaaabaan duulimaadyo caalami ah.
Wariika warfaafinta ayaa sheegay in waftiga reer Yemen ay u sheegeen iney doonayaan in markale 22 sano kadib Muqdisho ka bilaabaan duulimaadyada heerka caalami ee ay sameeyaan diyaaradaha dalkaas oo hada ay ku tagaaan wadamada bariga Afrika sida magaaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in labada dhinac ay ku heshiiyeen in dalka Yemen uu gacan ka geysto tababarida shaqaalaha garoonka Muqdisho ,wuxuuna tilmaamay iney guul tahay imaanshaha waftigan,wuxuna sheegay in waftigani marka ay dib ugu noqdaan dalka Yemen ay diyaarinayaan sida ugu macquulsan ee ay u bilaabi lahaayeen duulimaadkooda Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho