Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Isbeddel ummadeed. W/Q Kawsar Abdirizak Abdi

$
0
0

Isbeddel ummadeed
Kawsar Abdirizak Abdi
kawsarcc@gmail.com
Luulyo 16 2013

MAQAALMarka ummad isbeddel ku dhacayo wuxuu marka hore ka bilowdaa in qofafkeedu isbeddelaan. Inuu qofku isbeddelana waxay ka bilaabataa in sida maskaxdiisu u fakarayso isbeddel ku yimaado iyo sida caqligiisu wax u arko oo uu niyadda iyo qalbigana ku haysto. Markii ay kuwaasu isbeddelaan ayaa dabadeed dhaqankiisa iyo noloshiisuna isbeddelaan oo uu ka guuraa xaaladdii hore ee uu ku sugnaa una wareegaa xaaladda cusub oo isbeddelka ah. Isbeddelka xaqiiqada ahi ma aha isbeddel-duleed ama wax la xiriira farsamo iyo taatiko iyo xeelad daahirka kore ah. Isbeddelka runta ahi waa midka qofka gudihiisa iyo baaddinkiisa ka dhaca dabadeedna ku faafa oo baddela ficilkiisa, qawlkiisa iyo dhaqankiisaba. Ummadna waxay beddalantaa markii ay qofafkeedu sidaas u beddelmaan. Waxay isbeddeshaa markii ay qaadato mabda` iyo caqiido iyada beddela oo ay nolosheeda si cusub u waafajiso.

Dalalka gaalada oo maanta itaalka rooni waxay mar hore go`aansadeen inay qaataan caqiido ku salaysan inay noloshooda Ilaah iyo diin iyo aakhiro ka dhexsaaraan kaddibna iyagoo aan awood ka korraysaa jirin iyo xisaab ka danbaysa toonna inay markaas noloshooda adduunka u taashadaan. Waxay yiraahdeen ma jirto awood shacabka ka korraysa oo wax farta ama wax reebta. Wixii aan garanno weeye arrintu. Wixii aynu xaaraamaynno ayaa xaaraan inaka ah, wixii aan xalaalaynno ayaa xalaal inoo ah, wixii aynu rabno ayaynu samaynnaynnaa wixii aynaan rabinna waa diidaynnaa. Wadaadka iyo boobkuna warkooda kaniisadda ha la galeen qofkii iyaga warkooda rabaana halkaas ha ugu tago, laakiin nolosha iyo hannaankeeda ma soo dhexgelin karaan waxa ay kaniisadda ku hayaan. Waana halka ay ka timid erayga ay calmaaniyiintu had iyo jeer isticmaalaan oo ah diin haddaad haysid masaajidka la tag.

Caqiidadaas ayay dalalkaasu samaysteen dabadeedna si iyada waafaqsan ayay ku dhaqmeen oo dhaqan iyo hidde ka dhigteen, sidaas ayayna shuruucdooda iyo qawaaniintooda, xeerarkooda iyo dastuuurradoodaba ay ku saleeyeen, mana aha wax ay isku khilaafsan yihiin oo qof hadal ka keenayaa uu jiro ee waa iimaankooda iyo dhaqankooda ay rumaysan yihiin. Aan isu nimaadno oo tashanno wax walbana waa sidii aan ka garanno denbi iyo ajar iyo aakhiro iyo cadaab iyo jananna lagama hadli karo iyo xisaab iyo qiyaame toonna.

Taasu waa caqiidada iyo mabda`a ay dalalkaasu maanta isku maamulaan oo isku dhaqaan oo xorriyadda iyo tala-wadaagga lagu tilmaamo demoqraadiyaddana la yiraahdo. Haddii marka ay ummadi isku raacdo wax ay mabda` ka dhigato oo ay isku waaafaqsan tahay, nolosheeda iyo qawaaniinteedana waafajiso iyo xeerarkeeda, iyadaa ikhyaar leh ummaddaasu oo wixii ay nafteeda ka yeelayso xor u ah, wixii ay la kulmayso iyo wixii ay mudanaysana nasiibkeed.

Markii aan u nimaadno caqiidada islaamka iyo diinteenna xaniifka ahna waxay arrintu tahay Ilaahay ayaa koonka abuurtay iyo aadimiga iyo wax walbaba aakhiro iyo adduunna leh, isagaana Taliyaha sare ah oo amarka iyo nahyigu ka soo fulaan, makhluuqaadkuna waa addoomo la leeyahay oo dawladnimada Ilaahay hoosjooga waajibna ay ku tahay inay dawladnimadiisa u hoggaansamaan, qawaaniintiisa, xeerarkiisa iyo shuruucdiisana fuliyaan. Arrintuna waa Alle wax abuuray oo wax irsaaqa oo wax leh iyo addoonkiisii uu abuurtay oo isaga aqbalsan oo okobboon. Waa Ilaah xog ogaal ah iyo addoon xogtaas qaadanaya oo ku dhaqmaya, taasuna waa caqiidada islaatinnimada oo Ilaahay addoomadiisa u soo rogey.

Waa mabda` ay ku weyn yihiin Ilaahay iyo diinta iyo aakhiro iyo janno iyo naar iyo denbi iyo ajar iyo xisaab iyo qiyaame. Waana caqiido aan adduunka iyo nolosha adduunka iyo waxa muuqda keliya ku koobnayn oo ku indha la`ayn ee aakhiro iyo adduunkaba ay xisaabteeda ku jiraan oo labadaba ka hadlaysa oo tixgelinaysa.

Markii aan u nimaadno ummadda islaamka ama waxa maanta caalamka islaamka loo yaqaan, waxaa la oran karaa xaqiiqo ahaan waxaa haysta masiibo caam ah oo kulligood dusha ka saran markii laga reebo wax fara ku tiris ah. Caalamka islaamku waxay yeesheen madax gaalo ku xiran oo gaaladu tababartay oo dhaqankooda iyo maskaxdooda beddeshay oo aan daacad u ahayn diintooda iyo dalalkooda midna.

Ummadaha islaamka ee maanta jira laguma dhaqo mabda` muslim iyo mid gaalo midna sidaas ayayna adduunkiina ku seegeen aakhirana waxay mudan doonaan aan la ogayn. Waxaa loo xukumaa si aan la aqoon, waxaana lagu xukumaa wax aan la qoon wax ay yihiin oo aan xeer gaalo iyo mid muslin midna ahayn, sidaas darteed ayayna waxay noqdeen wax indhihii laga riday oo kale oo aan waxba u jeedin. Waxaa taas ka sii daran oo ka sii xanuun badan madaxda iyo boqorrada gaalada ku xiran oo muslimiinta xukumaa waxay samaysteen wadaaddo diinta Ilaahay ka beensheega oo hadba sidii madaxdu rabto diinta u dhiga oo u sawira.

Waa masiibo labanlaaban taasuna, maxaayeelay waxay kuwaasu mugdi geliyeen iftiinkii diinta, xalkii nolosha iyo xaqii Ilaahay, waxayna khaldeen iyaga iyo madaxooduba caqliyaddii dadka muslimiinta ah iyo sidii ay u fakari lahaayeen. Waxaa la aqoonwaayey si la yeelo iyo wax la sameeyo. Waxaa dadkii ku dhacday jirro aan la aqoon wax ay tahay oo maskaxda iyo qalbigaba ka haysa oo ka dabooshay oo ay dulmigaas iyo mugdigaasu keeneen. Haddii qofka wadnihiisa la qabto intiisa kale ma nuuxsan karto, wadaaddadaas iyo madaxdaasuna muslimiinta wadnihii ayay qabteen waxaana lagu dhacay god madow oo dibudhac noloshii adduunka lagu mutay iyo dulli aakhiro oo halis loo yahayba.

Dabadeedna waxaa la noqday harjad aan madax iyo majo lahayn oo fargasho iyo xayraan ah, iyo neef la gawracay geedo kama waabto. Markaas ayay kuwo qoryo qaateen oo yiraahdeen muslinkaan difaacaynnaa iyo diinta islaamka dabadeedna muslin iyo gaalo iyo naftoodiiba huf ka dhigeen oo la mid noqdeen oog kacday oo aan waxba reebayn, iyagoo waddo u cad oo ay hayaan aan la arag oo mar hore la khalday oo la wareershay.

Kuwana wadaadka diinta baddeley iyo diintiiba waa ka fiigeen oo waa isla tuureen markii ay ka yaabeen mugdiga uu wax kuwado isaga iyo madaxdiisuba, waxayna istaageen mawqif ay leeyihiin mushkiladda ina haysaaba waa diinta iyo islaannimada aan rumaysannahay ee waa in diintaan iyo aakhiradeedaba meel la iska dhigaa oo noloshaan aynu innagu u tashannaa, inkastoo ay qarsanayaan oo aysan sidaas ula bareeri karin badankoodu. Kuwaanu waxay isugu jiraan kuwo xanuunka ummadda islaamka haysta u adkaysan waayey oo harjad ah oo sidaas xal mooday iyo kuwo iyagu gaalada u adeegaya oo ay gaaladu beddeshay, wadaadka wax bi`iyeyna marmarsiinyo ka dhiganaya.

Shaki kuma jiro in isbeddel ummadeed ay soomaaliya u baahan tahay iyo caalamka islaamka oo dhammi, laakiin su`aashu waxa ay tahay isbeddelka aynu ku baaqaynno mabda`ee ku salaynnaa oo maxaa caqiido inoo ah oo aan nnidaamka nolosheenna waaafajinnaa. Mise harjad baynu ku jirnaa oo wax inooma cadda ee naf la caari bay inaga tahay arrintu iyo madax dhul la dhac. Dabcan kulligeen ijtihaad baynu ku jirnaa iyo sidee xal loo helaa laakiin waxaa meesha ku jirta inaan lagu khatalmin oo lagu hodmin erayada dusha ka wanaagsan oo bidhaamaya oo mabaadi`da gaalada la inooka soo xanbaarayo.

Waa in aynu ku fakarnaa xalku inuu ka yimaado diinteenna, dhaqankeenna, dadnimadeenna iyo shakhsiyadda ummaddeenna. Waa run in diintii ay wadaaddo isku gudbeen oo ka dhigeen sidii wax iyagu ay leeyihiin oo u afduuban isla markaasna ay firqooyin sii kala noqdeen aan wax isu keeni kara la arag bal xal ay keenaan ha joogee. Sidoo kale waa run in dhaqankii soomaaliyeed oo wanaagsanaa burbur ku dhacay oo aad loo dhaawacay wax badanna laga ba`shay.

Waxaa iyaduna run ah soomaaliya inaysan maanta haysan madax iyo hoggaamiyayaal ay u baxsan karto oo dalka iyo dadka badbaadinaya. Laakiin intaas oo ina wada haysta qabyaaladda iyo qabiilkuna ay inoo sii dheer yihiin ma inoo bannaanaanaysaa oo wax aan dooran karno ma tahay inaan Ilaahay iyo aakhiro iyo diintaba iska tuurno mabda`a gaaladana qaadanno oo xal ka raadinno. Sidaas ma dooran karnaa? Dabcan waa maya. Waxaa haddaba ina sugaysa inaynnu Ilaahay kaashanno diintiina waa inoo taal oo kitaabkii waa dhawrsoon yahay ee aan caqiidadiisa cuskanno, maskaxdana tuujinno, dadnimadeenna, hiddeheenna iyo ummadnimadeennana ku tashanno, dhibaatada sidii aan uga bixi lahaynna ha inaka go`naato, Ilaahay baana mahad leh, dalkayga iyo dadkaygana Ilaahay ha badbaadsho iyo ummadda islaamkaba

Kawsar Abdirizak Abdi

Addis-Ababa, Ethiopia

kawsarcc@gmail.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles