Muqdisho(RBC Radio) Golaha wasiirada oo xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magacaabay Danjirayaal cusub oo dowladda Soomaaliya u matali doonan wadama caalamka, shirkii Khamiis laha ahaa ee golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo uu shir gudoominayey R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa waxaa lagu ansixiyey soo jeedin magacaabista 5 danjire oo cusub.
Kadib markii uu soo idlaaday kulanka golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaalliya C/llaahi Ciilmooge Xirsi,wuxuuna tilmaamay in Danjirayaasha oo cod la galiyey ay goluhu ku meel mariyeen cod aqlabiyad leh.
Danjireyaasha ayaa kala ah Jeneraal Muuse Xasan Cabdulle oo loo magacaabay danjiraha Soomaaliya u qaabilsanaan doona Talyaaniga, danjire Axmed Cabdisalaam Aadan oo loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya, danjire Cali Saciid Fiqi oo loo magacaabay safiirka dalka Belgium iyo Midowga Yurub, Nuur Faarax Xirsi oo loo magacaabay danjiraha dowladda Soomaaliya ee dalka Malaysia, iyo Saciid Nuur Yuusuf oo loo ma gacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania.
R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa in tallaabadani ay qayb ka tahay qorshaha ay xukuumadda uu hogaaminayo ay ku dooneyso iney ku adkeyso cilaaqaadka ay la leedahay dalalka adduunka,iyo sidii ay u dardar galin lahaayeen hawsha diblamaasiyadeed ee dowladda federaalka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho