Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka oo Faah-faahin ka bixiyey khasaaraha weerarkii alshabaab ay ka fuliyeen xarunta hay’adda UNDP

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa  faah faahin ka siiyey warbaahinta khasaaraha ka dhashay weerarkii qorsheysnaa ee alshabaab ay ku qaadeen xarunta Hay’adda UNDP ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaas ay ku dhinteen 15 ruux oo iskugu jiray Kooxdii weerarka soo qaadday,Shaqaalo hay’adda UNDP,wuxuuna tilmaamay iney dadka dhintay kamid yihiin 4 ruux oo ajaanib ah kuwaas oo wasiirku uu sheegay iney hay’adda u qaabilsanaayeen dhanka amniga.

“Waxaa weerarka ku dhintay 15 ruux,4 kamid ah waxay ahaayeen shaqaalo Ajinabi ah oo hay’adda UNDP u qaabilsanaa dhanka amniga,4 kalane waxay ahaayeen dad Soomaaliyeed oo iyagune ka mid ahaa shaqaalaha amniga ee hay’adda UNDP, 7da kalane waxay ahaayeen kooxdii argagixisada ahayd ee weerarka soo qaadday” ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed.

wasiirka ayaa tilmaamay in tirakoobka dhaawacyada ay xiligan hayaan ay gaareyso 18 ruux walow uu qiray iney kordhi karaan dhimashada iyo dhaawucuba,wasiirka ayaa ku ammaanay ciidamada amniga qaranka Soomaaliyeed sida ay markiiba ugu gurmadeen dadka goobta ku sugnaa,wuxuuna xusay in ciidanku ay badbaadiyeen dhammaan shaqaalihii iyo dadkii kale ee ku sugnaa xarunta hay’adda.

” waxaan ammaan usoo jeedinayaa ciidanka qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa gaashaan oo mudda kooban gudaheed xarunta gudaha u galay isla markaana badbaadiyey nolosha dad badan oo ay kooxda  argagixisada ay  doonayeen iney gumaadaan” sidaasi waxaa yiri wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ku tilmaamay weerarkaas inuu ahaa mid waxashnimo ah oo lagu dhibaateyey ummadda Soomaaliyeed,wuxuuna tacsi u diray dhammaan ehelada dadkii ku waxyeeloobay weerarkaas,wuxuuna intaa raaciyey in ciidamada amniga dalku ay goor walba heegan u yihiin iney badbaadiyeen bulshada Soomaaliyeed kana hortagaan ficilada argagixiso ee ay dalka ka geysanayaan alshabaab.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles