Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka dooday Labo Hindise sharciyeedoo ay usoo gudbiyeen wasaaradaha xukuumadda

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Kulanka mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo uu shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka Labaad ee goaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad,ajandaha kulanka ayaa ahaa ka doodidda Labo hindise sharciyeed oo kala ahaa Sharciga ddhismaha xuduudaha federaalka iyo golaha adeegga Garsoorka.

Sharciyadan  ayaa maanta waxaa kulanka baarlamaanka markii Labaad ka hor aqriyey wasiirada cadaaladda,cadaaladda,garsoorka awqaafta iyo arimaha diinta C/llaahi Abyan Nuur iyo wasiirka  arimaha gidaha iyo amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed,,wasiirada ayaa mudanayaasha baarlamaanka uga jawaabay su’aalo dhowr ah oo ay weydiiyeen  kuwaas oo la xiriiray  hindise sharciyeedyada ay baarlamaanka hor geeyey.

C/kariin Xuseen Guuleed wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xykuumadda Soomaaliya ayaa mudanayaasha u sharaxay ahmiyadda uu leeyahay sharciga dhismaha gidiga iyo xuduudaha iyo federaalka,sharcigaas ayaa ka koobaan doonaan 9 qeybood kuwaas oo wasiirku uu tilmaamay iney qaban doonaan hawlo muhim ah.

Dhanka kale wasiirka Garsoorka, caddaaladda  awqaafta iyo arimaha diinta xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Abyan Nuur ayaa mudanayaasha baarlamaanka ka hor aqriyey sharciga dhismaha golaha adeegga garsoonka,wuxuuna tilmaamay in dhismaha xafiiskaas uu wax wyeyn kusoo kordhin doono adeegga garsoor ee ay u baahan yihiin bulshada Soomaaliyeed.

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmahan danbe si xiriir ah uga dooda hindise sharciyeedyo Toban gaaraya oo ay usoo gudbiyeen wasaaradaha kala duwan ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles