Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Boqor Burhaan Boqor Muuse: Issimada Puntland Waxay ku Baaqeen Shir Wadatashi ah oo Looga Hadlaayo Xaalada Puntland! [ Warbixin+ Baaq]

$
0
0

Burhaan Boqor Muuse oo ah Wakiilka Boqorka Beelaha Daarood

Boosaaso[RBC Radio] Issimada ugu magaca iyo muga weyn Puntland iyo geyiga Soomaaliyeed ayaa kasoo saaray magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Baaq Shir wadatashi oo looga arrinsan doono Xaaladdaha Siyaasadeed iyo mid Nabadgelyo ee Puntland.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah Wakiilka Boqorka Beelaha Daarood ayaa ku sheegay Ujeedada loo qabanayo Shirka wadatashiga ah ay tahay maadaama Puntland isbadel Siyaasadeed ay gashay lana galayo Doorashooyinka ay muhiim noqotay in Issimadu yeeshaan kulan ay kaga arrinsanayaa Xaalada dalku marayo.

….”””Ula jeedada Baaqan wuu yahay maadaama Puntland isbadel Siyaasadeed oo Hannaankii axsaabta ee Doorashooyinka la gelayo ayaa waxa muhim noqotay in Issimada Puntland oo waayadan danbe ama tobankii sane ee u danbeysay kulamo iyo isu imaatin aan ayna yeeshaan shir wadatashi oo ay kaga arinsanayaan Isbadelka iyo Xaaladda wadanku marayo …””ayuu yiri Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Waxa uu intaas ku daray in lagu qaban doono Shirka wadatashiga ah Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho midii la isku raaco ama tallo ahaan lagu soo Jeediyo bishaan 20.6.2013.

Issimada Baaqa soo saaray:

  1. Wakiilka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse.
  2. Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin.
  3. Beeldaaje Jaamac Beeldaaje Cabdullaahi.
  4. Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax.
  5. Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin.

 

Calanka Jubbaland

Dhanka kale Issmada ayaa hambalyo u diray Maamul-goboleedka Jubbaland,waxayna ku sheegeen baaq tallo soo Jeedin ah oo ay soo saareen in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay aqoonsato Jubbaland isla markaana ay la shaqeyso maamulka cusub ee halkaas laga dhisay.

Waxayna Dawladda Federaalka u sheegeen iney sidoo kale gacansiiso cid kasta oo maamul sameysaneysa maadaama Dastuurka Federaalka Soomaaliya uu qabo in laba gobol iyo wixii ka badan ay Maamul sameysan karaan.

 Jubbaland Iyo Dib u heshisiin!!

Maamul-goboleedka Jubbaland ee u Madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Islaan(Axmed Madoobe) ayey tallo ugu jeediyeen iney sameeyaan dib u heshisiin dhab ah ayna u sameeyaan beelaha dega deegaanka maadaama ay soo mareen Colaado iyo dhibaato farabadan.

____________________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso
turrabi30@gmail.com

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles