Garoowe( RBC RADIO) Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee Dowlada Puntland C/laahi Axmed Jaamac ( Ilka- Jiir) ayaa sheegay in hadii Kenya ay ka baxdo Gobolada Jubbooyinka Ciidamada Amissom ee Muqdisho iyo Qaybaha kale ee dalka ku sugannah ay isaga bixi doonaan waayo ayuu yiri Wasiirku waa ciidan isku mid ah hal hadafna u yimid dalka kaasi oo ah in ay la dagaalamaan Arga gixisada aysanna macquul noqon doonin in Qolona la saaro qolana la ceshado ama waa leysla bixi ama waa leysla joogi ayuu yiri Wasiirku Mar uu ka hadlayay Kulan Su’aalo lagu weydiinayay Xukuumada Puntland oo Garoowe ka dhacay.
“ Dowlada Soomaaliyeed ee awood waxay lahayd isugu geesay Jubbaland waxaan leeyahay taa cidina idinka yeeli meyso Dadkaas waa tashadeen Ileyskii Nabada ayaa usoo baxay alle ayaana ku irsaaqay oo cidina ka hor istaagi meyso ee waxaan leeyahay Masuuliyiinta Dowlada dib isugu Noqda oo Dad meel iska soo saaray haku mashquulinee kuwa wax qabsan waayay 22kii sano ee lasoo dhaafay ee aad dhex joogtaan talo wax qabad iyo Caqli celin siiya,Xildhibaanada ku baaqay in Kenya Ciidankeeda Kismaayo Jooga Mowshin laga keeno waxaan leeyahay Kuwa Muqdisho idinku waardiyeeya ee la’aantood aad shabaabka u gacan geli lahaydeen iyagana Muqdisho wey ka tagayaan ee Dib u eega waxa aad ku hadleysaan cidina cid kale kama awood Badnee sidaana waxaa yiri Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Gen,(Ilka –Jiir).
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaliya ay sheegeen kuna taliyeen in Mawshin ka dhan ah joogitaanka Ciidanka Kenya ee Gobolada Jubbooyinka la horkeeno Golaha Wakiilada Dowlada Federaalka si Goboladaasi looga saaro Ciidanka wallow hadalkaasi uu Muran badan dhaliyay.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.