Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Shirkadda Muqdisho Taxi oo maanta soo bandhigtay Tagaaasi Cusub oo ka hawlgali doona Xaafadaha Muqdisho

$
0
0

 

Muqdisho(RBC) Tan iyo markii uu soo hagaagay amniga caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa soo badanayey Shirkadaha iyo shakhsiyaadka ku dhiiranaya iney maalgashi ku sameeyaan dalkooda,Shirkadda Muqdisho (Taxi) Taksi oo ka mid shirkadaha mashaariicda ganacsi kawada magaalada Muqdisho ayaa maanta soo bandhigtay Tagaasi ay ugu tala gashay iney ka dhex-shaqeeyaan caasimadda Muqdisho.

Gawaaridan yar ayr oo ay maanta soo bandhigtay shirkada tagaasida ee muqdisho (taxi) oo ahaa kuwo laagu xardhay midabyo isku mid ah iyo Lambarro   ayaa dhoola tus ku soo bandhigay wadooyinka magaaladda Muqdisho  si ay u muujiyaan waxqabadkooda iyo qaabka ay u dabooli karaan baahiyaha dhinaca tagaasida ee ka jirta magaalada Muqdisho.

Mulkiilayaasha Mashruuca Muqdisho (Taxi) oo warnbaahinta kula hadlay goobta ay kusoo bandhigayeen waxqabadka Tagaasida shirkadda ayaa ka hadlay waxyaabaha ku dhaliyey iney magaalada ka hirgaliyaan Daahir Maxamuud Dirir oo ka mid ah masuuliyiinta Shirkadda ayaa sheegay iney go’aansadeen ka qayb-qaadashada horumarka ka socda Muqdisho isla markaane ay garawsadeen iney daboolaan baahida Taxi ee ka jirta Muqdisho.

Xuseen Axmed Maxamed Buule oo isne ka mid ah hawlwadeenada shirkadda  ayaa sheegay in mashruucani uu yahay mashruuca tagaasida Soomaaliya, islamarkaana la gaarsiin doono guud ahaanba goboladda dalka wuxuuna shaaca ka qaaday   in arintani ay ku dhiiri- gelisay ka dib marki ay arkeen heerka uu gaarsiisanyahay ammaanka caasimada dalka ee Muqdisho.

Tagaasida shirkadda Muqdisho Taxi ayaa wax leh xafiisyo iyo Lambarro loogu soo hagaago,magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaan lahayn Shirkad Tagaasi oo u adeegta shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda Muqdisho

 

 

 

RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles