Jidda(RBC Radio) Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa isbedel ku samaysay maamulka qunsuliyadda Soomaaliya ee dalka boqortooyada Sucuudi Carabiya,munaasabada si weyn loo soo agaasimay oo ay xilalka kula kala wareegayeen qunsulkii hore ee Soomaaliya ee dalka boqortooyada Sucuudiga iyo qunsul si kumeelgaarah xilkaas loogu magacaabay ayaa lagu qabtay magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga.
Qunsulkii hore ee qunsuliyadda Soomaaliya ee Sucuudiga Inj. Maxamed Cabdi Kulmiye ayaa xilkaasi ku wareejiyey ku xigeenkiisii hore oo hadda ay dowladdu u magacawday inuu si kumeelgaarka ah usii maamulo qunsuliyadda Soomaaliya ee dalka Sucuudiga Daahir Aadan Wehliye.
Wasiiru dowlaha wasaaradda arimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Nuur Gacal oo ka qaybgalay munaasabada xil wareejinta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida hagaagsan ee uu xilka u wareejiyey qunsulkii hore ee Soomaaliya u qaabilsanaa qunsuliyadda Soomaalida Sucuudiga isagoona ku ammaanay hawshii wanaagsaneed ee uu qaranka usoo qabtay intii uu xilka hayey.
Maxamed Nuur Gacal wasiiru dowlaha arimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in dadku aysan jecleen iney ka qayb galaan munaasabada sidan oo kale xilka masuul looga qaadayo balse ay ka jecel yihiin iney ka qaybgalaan munaasabad masuul lagu caleema saarayo isagoona tilmaamay iney tahay arin isku mid ah xil u magacaabista iyo ka qaadista masuuliyiinta qaranka.
Gacal ayaa tilmaamay inuu ka rajeynayo qunsulkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey boqortooyada Sucuudi Carabiya Inj. Maxamed Cabdi Kulmiye inuu dadaalkiisa halkaa kasii wado,wuxuuna xusay in mudadii uu hayey xilka qunsuliyadda uu si wanaagsan ugu adeegay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sucuudiga.
RBC Radio