Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka degmada Marka oo ka warbixiyey xaaladaha amni iyo horumar ee degmadaas

$
0
0

 

Marka(RBC Radio) Maamulka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka warbixiyey amniga degmadaas iyo adeegyada kale ee bulshada gudoomiyaha maamulka magaalada Marka Maxamed Cismaan”Yariisow” ayaa sheegay in amniga magaalada Marka uu yahay mid wanaagsan isla markaane ay degmadu ku tallaabsatay horumar dhanka adeegyada bulshada ah.

Gudoomiyaha degmada Marka ayaa sheegay  iney ku dadaaleen sugida amniga magaalada wuxuuna tilmaamay in xaqiijinta nabadgalyada degmada Marka ay si wada jir ah iskaga kaashadaan ciidamada booliska iyo milateriga dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaaladaas,wuxuuna tilaamay ineysan jirin cid ka baxsan ciidankaas oo loo ogolyahay iney  magaalada hub ku dhex qaataan.

Maxamed Cismaan Yariisow ayaa intaa ku daray iney wada shaqan wanaagsan ka dhex abuureen shacabka,ciidamada iyo maamulka degmadaas oo uu tilmaamay iney si isku mid ah ugu taagan yihiin sugida amniga magaaladooda iyo ka shaqayn Mashaariicda horumarineed ee deegaanka,wuxuuna xusay in ganacsiga Marka uu sameeyey horumar la taaban karo muddooyinkii u danbeeyey taasoo uu sheegay inay keentay amniga ay dareemeen bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Gudoomiye Yariisow ayaa sheegay in maamulkiisu uu waqti badab ku bixiyey sidii ay dadka ku dhaqan magaalada Marka u heli lahaayeen nabad ay ku naaloodaan arintaas oo uu sheegay iney ugu danbeyntii ka miro dhaliyeen,wuxuuna dhanka kale tilmaamay in masuuliyiinta maamulku ay leeyihiin xiriir iyo wada shaqayn wanaagsan.

Maamulkii hore ee magaalada Marka ayaa waxaa hareeyey khilaafaad soo kala dhexgalay masuuliyiintii horkacayey maamulkaas kuwaas oo markii danbe khilaafkoodu  uu gaaray iney dagaal foodda isdaraan.

 

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles