Laascaanood-(RBC)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in tuulooyinka dhanka bari ee magaalada ay maanta ciidanka Somaliland iyo puntland kula kala wareegeen mid ka mida dadka looga shakiga qabo dilkii Sh Cabdiqaadir Nuur Faarax.
Maxbuuska ay ciidanka Somaliland ku wareejiyeen Puntland ayaa lagu magacaabaa Cabdilaahi Cismaan Axmed (Caynte) kaas oo baxsad ku soo galay dhanka Gobolka Sool, kadib markii uu dhacay dilka loo gaystay Sheekha.
Wasiirka amniga, ciidanka amniga ee Puntland qaar ka mida, xildhibaano iyo ciidanka Somaliland ayaa deegaanka Gambadha isku waydaarsaday maxbuuskan.
Ilo aad ugu dhuun daloola wareejinta maxbuuskana ayaa RBC u sheegay inay labada maamul si is laab xaadhasho ah isugu wareejiyeen danbiilaha.
Somaliland ayaa gacan ku qabashada dadkii ka danbeeyey falkaasi dhawr jeer ka hadashay, isla markaana saxaafada uga waramay qabashada ninkaas maanta ay wareejiyeen.
Wasiirka amniga Puntland oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay si deg deg ah maxkmad u soo hortaagi doonaan cid kasta oo lug ku lahayd dilka Sheekh cabdiqaadir Nuur Faarax.
Raxanreeb-Hargeysa