Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Urur Siyaasadeedka HORSEED Puntland Oo Soo Gabagabeeyey Olole Ballaaran uu Ka Wadey Deegaano Ka Baxsan Laamiga [Sawirro]

$
0
0

Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan Oo Gacan Qaadaya Shacab soo dhaweeyey

Boosaaso[RBC Radio] Urur Siyaasadeedka HORSEED Puntland oo maalmahan Olole ka wadey deegaano fog fog oo ay ka baxsan Laamiga sida Ufeyn,Iskushuban,Bali- dhidin iyo Carmo ayaa Soo Gabagabeeyey,Waxaana Hoggaamiyey Wafdiga Xukuumadda Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan.

Waxaa kamid ahaa Xubnaha Wafdiga Wasiirka Amniga Hoggaaminayey Wasiir Kuxigeenka amniga Cabdijamaal Cismaan Maxamed,Wasiir Kuxigeenka Kalluumeysiga Muuse Geele Yuusuf,Guddoomiyaha gobolka Bari ee Ururka Horseed iyo Saraakiil ka tirsan Amaanka.

Wasiirka amniga iyo Xubnaha Socdaalka ku weheliyey ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey deegaanada ay tageen,waxaana Ujeedada Socdaalkooda lagu sheegay soo Xulitaanka Ergada Horseed uga qeybgaleysa Gollayaasha Deegaanka,waxayna Xariga si rasmi ah.uga Jareen Xafiisyada Ururku ku Yeelanayo Degmooyinkaas.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dawladda Puntland Khaliif Ciise Mudan oo la hadlay Shacabka degmooyinka Ufeyn,Isku- shuban,Bali-dhidin iyo Carmo ayaa u sheegay in Muhiim ay tahay in laga gudbo Hannaanka Qabaliga ee wax lagu soo doorto loona gudbo Hannaanka Dimuqraadiyada iyo Axsaabta.

…”"”"Xubnaha u matalaya Ururka HORSEED Doorashooyinka Gollayaasha deegaanka Puntland Boqolkiiba 40% ayaa noqon doona Dumar….”"ayuu Wasiirka amniga Khaliif Ciise Mudan.

Guddoomiyaha gobolka Bari ee ururka Horseed Yuusuf Cismaan Ismaaciil oo ka mid ahaa masuuliyiintii la hadlay dadweynaha ayaa sheegay in shuruudaha lagu qaadanayo qofka isu sharxaya Golayaasha deegaanka Puntland ay ka mid yihiin;-

1-In qofku yahay muwaadin ama muwaadinad reer Puntland ah.

2-In uu leeyahay aqoon Maadi iyo DIINI ah.

3-In uu Saddex Milyan oo Shillin Soomaali ah uu dhigo goob loo cayimi doono iyo arrimo kale.

Wasiir ku xigeenka amniga Puntland Cabdi Jamaal Cismaan iyo wasiir ku xigeenka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda Puntland Muuse Geele Yuusuf Farole oo la hadlay dadweynaha ayaa sheegay in dowlada Puntland ay horseed u tahay in laga gudbo nidaamka Qabiilka.

Dadweynaha ku dhaqan Degmooyinka ay socdaalka ku tageen wafdiga uu hogaaminayay Khaliif Ciise Mudan ayaa soo dhoweeyay Urur Siyaasadeedka HORSEED,waxaynaha balan qaadeen in ay ka go’an tahay in door wayn ka cayaaraan geedi socodka looga baxayo nidaamka Qabiilka.

Si kastaba ha ahaatee Urur Siyaasadeedka HORSEED ayaa noqonaya ururkii ugu horeeyay ee socdaal ku taga deegaano fog fog oo ka baxsan Laamiga.

9 8 8 7 6 6 5 5 4 4 3 25 25 24 23 22 Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan Oo Gacan Qaadaya Shacab soo dhaweeyey 21 20 2 18 18 17 16 15 14 13 13 12 12 11 10 1 1 1

_______________________

Cismaan Turaabi

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles