Muqdisho (RBC) Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii socdaal qaatay ku dhowaad hal usbuuc oo uu ku soo maray gobollada Puntland iyo Galmudug ayaa shir jaraa’id kaga warbixiyey ujeedada socdaalkiisa ee gobolladaasi.
Raysul wasaaraha ayaa sheegay in safarkiisa gobollada Puntland iyo Galmudug uu ahaa mid loo baahnaa mudo horena la sugayey, balse dawladu ay ka faa’iiday taageerada dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool gobolladaasi.
“Wuxuu ahaa safar si weyn loogu baahnaa oo aanu ku soo dhageysanay aragtida shacabkayaga iyo dareenkooda.” ayuu yiri raysul wasaaraha.
Raysul wasaare Shirdoon ayaa cadeeyay in isfaham uu soo dhexmaray ragga hogaamiya maamulada Puntland iyo Galmudug oo labaduba qeyb ka ah dawlada dhexe ee dalka, isagoo raysul wasaaruhu sheegay in mad-madow soo kala dhexgalay maamulka Puntland iyo dawlada dhexe isla markaana keenay in dhanka Puntland ay idaacadaha ka eedeeyaan dawlada uu ku saleysnaa “aqoon xumo” sida uu yiri.
Maamul u sameynta goboolada muxuu ka yiri?
Raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo ka hadlay qorshaha maamul u sameynta gobollada dalka, ayaa markale ku celiyey aragtida dawlada ee ku aadan qaabka maamulada dalka loo dhisayo.
“Dadkii aan la kulannay meel walba waxay soo dhoweeyeen si weyna u taageersan yihiin in la hirgaliyo nidaamka federaalka ee dalka lana dhiso maamulada, haseyeeshee waxay noo sheegeen inaysan raali ka ahayn in maamul sameynta hab qaldan oo sharci darro ah loo maro, waxayna nagu dhiirigeliyeen inay dawlada ishortaagto wax kasta oo nidaamka iyo dastuurka lidi ku ah.” ayuu yiri raysul wasaaraha.
Ma uusan soo qaadin gobollada Jubbooyinka oo raysul wasaaruhu war saxaafadeed uu horey u soo saaray ku diiday shirka ka furmay magaalada Kismaayo dhammaadkii bishii hore kaasoo looga dhawaaqay in maamul gobolleed cusub lagu dhisi doono.
Sida muuqata aragtida raysul wasaaraha iyo xukuumadiisa ayaa weli taagan halkii ay horey u taagneyd ka hor booqashadan uu ku maray gobollada dalka ee uu kulamada kula soo yeeshay waxgaradka iyo siyaasiyiinta maamulada kala duwan
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho