Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Musharax Maxamuud Cabdiraxmaan Cowke”Waxaan u Taaganahy Xilka Madaxtinimda Puntland”(Sawirro)

$
0
0
Musharax Maxmuud Craxmaan Cawke

Musharax Maxmuud Craxmaan Cawke

Gaalkacyo[RBC Radio]Kadib munaasabad balaaran oo magaaladda Gaalkacyo ka dhacdey waxaa maantey si cadd u shaaciyey inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimo ee dawladda Puntland Maxmuud C/raxmaan Cawke oo horey kasoqabtey Puntland xililal kala gadisan kuwaaso ay ka mid ahaayen agaasimihii guud ee hore wasaaradda waxbarashada Puntland,guddoomiyaha gobolka Mudug iyo duqa Gaalkacyo.

Munaasabadan oo ahayed qado sharaf ayaa waxaa ka soo qeb galey musuliyin kala gadisan oo ay ka mid ahayeen xildhibaano ka tirsan Puntland wax garad kala gadisan oo isugu dhafnaa odoyaal,aqoonyahano,haween,dhalinyaro iyo boqolaal dadweyne ah oo isugu jirey qaybaha kala gadisan ee bulshada gobolka Mudug.

Inta ay so cotey munaasabada ayaa waxaa hadalo ka jeediyey xubnihi ka soo qeyb galey waxana ugu horen hadal uu jeediyey musharax Maxmuud C/raxmaan Cawke  sharaxad ka bixiyey wax yabaha uu higsan doono haddii uu ku guulaysto madaxtinimada Puntland isagoona dhinacyo badan ku soo qadey khudbad muddo socotey oo uu madasha ka jeediyey.

Musharax Maxmuud C/raxmaan Cawke ayaa si cadd u sheegey inuu doonayo isbadal muuqdo oo ka hirgala Puntland isagoona hadalkiisa ku soo qadey in uu wax ka badali doono siyaasadda Puntland,isbadal lugu sameeyo mushaaradka ciidamada iyo waxbarashada dugsiyada Puntland oo si lacag la’an ah lugu dhigan doono.

“Waxaan halkaan ka caddenaya inan ahay musharax madaxweynenimo doonayana  is badal dhab ah oo ka dhasha  Puntland haddii rabi ugu guuleyo inan xilkaa qabto waxan noqon doona madaxweynaha ama masulka ugu musharaka yar dowladda waa haddii an noqdo madaxweynaha dowladda Puntland waxaa xiligaan muqata hoosu dhac dhanka dhaqaalaha waxaan higsan doona in saro loogado mushaaradka ciidamada waxaa si bilash ah lugu dhigaan doona dhamanba dugsiyada waxbarashada Puntland iyadoona wax lacag ah laga qaadi doonin ardey kasto oo reer Puntland ah”waa sidda uu hadala ku sheegey musharax Maxmuud C/raxmaan Cawke.

Musharaxa ayaa gaba gabadi  u balanqaaday shacabka Puntland in uu noqonayo hogaamiye wanaagsan isaga oo sidoo kale sheegay in uu daacad u noqonayo dadka iyo dalkaba.

Sidoo kale waxaa munaasabada hadal ka jeedisey Xildhibaanad Siciido Geele Diiriye oo ka mid ah mudanayaasha barlamaanka Puntland waxana hadalkeeda ay ku soo qadey xildhibaanad Siciido in ay soo dhawenayso musharaxa balse waxaa ay ugu baaqdey musharaxa inuu sugu xiliga doorashadda ee ay dhamaaneyso mudada xukumada xiligaan jirta.

“Waa soo dhaweynaya musharax Maxmuud C/raxmaan Cawke balse waxan leyahay Cowke sug mudada doorashada laga gaaro ee uu dhamanayo sanadka xiligaan socde ee xukuumada xiligaan dhisan”xildhibaanad Siciido ayaa intaas ku soo qadey hadalkeda.

Madasha oo ay ku dhamaayen dhinacyada bulshada ayaa waxaa hadalo soo dhaweyn iyo guubaabo uu badna ka jeediyey nabadoono iyo waxgaradki ka soo qeyb galey iyagoona sheegey in musharax Maxmuud C/raxmaan Cawke uu yahay nin taagero ay la garab taaganyihin islamarkana ay ka shidaal qadanayan xililkii uu soo qabtey oo ay sheegey in dhamaanba uu ka soo baxay waa jibaadka masul nimo ee xiligaa sarna iyagoona sheegey in hadana ay ku kolsoonyihiin in haddii uu madaxweynaha Puntland uu noqdo inuu kasoo bixikaro xilkaas.

 

Munaasabadan ayaa intaa ay soo cotey waxaa lugu soo bandhigey riwaayado nugu matalayey musharxnimada Cowke iyo dorka shaqsi ee uu kaga jiro bulshada Puntland.



Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles