Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/Raxmaan Maxamed Maxamuud faroole ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Jubbaland Axmed Maxamed Madoobe oo Maanta loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha Jubbaland isagoo ku tilmaamay arintaasi talaabo wanaagsan oo ay horay u qaadeen shacabka reer Jubbaland ayna tahay in la taageero lana soo dhaweeyo geesinimada ay sameeyeen kadib shir jaraa’id uu galabta ku qabtay Qasriga Madaxtooyada ee Duleedka Magaalada Garoowe ku yaala.
“Raali ayaan ka nahay Doorashada Axmed Madoobe waana talaabo horay loo qaaday,waxaan rajeynayaa in shirweyne Qaran ay sameystaan dadka Reer Jubbaland waxaana leeyahay wey guul dareysteen dadkii doonayay in ay burburto Hanaanka lagu doonayay in Jubbaland lagu dhiso kuwaasi waa hungoobeen, tan kale Urur Goboleedka Igad ayaan aad uga mahadcelinayaa kaalinta ay ka qaateen soo dhisitaanka Jubbaland, waxaana leeyahay waxaa bilowday Dhismihii Maamul Goboleedyada waxaana fileynaa in lasii xoojiyo Federaaliisimka Sidaana waxaa yiri Madaxweyne Faroole.
Madaxweyne Faroole ayaa ka dalbaday Dowlada Soomaliya in ay teegeerto Maamulka Cusub ee Jubbaland iyo habka ay doorashadu u dhacday wuxuuna hambalyo u diray Ergooyinkii Doorashooyinka ka qayb qaatay iyo dhamaan hawlwadeenadii usoo dhabar adeegay in ay hawshu socotay.
Inkastoo aysan jirin Cid si rasmi ah ula tartantay Sheekh Axmed madoobe oo si weyn loo hadal hayay in uu doorashooyinka Jubbaland kusoo baxayo oo musharixiintii la tartameesay qaarkoodna aysan gobta soo xaadirin halka kuwii joogayna ay tanaasulaad sameeyeen ayaa hadana la ogayn Go’aanka rasmiga ah ee Dowlada Soomaliya ay ka qaadan doonto Doorashada Sheekh Axmed madoobe.
Magaalada Garoowe ayaa Beri laga yaabaa in uu ka dhoco Mudaharaad lagu soo dhaweenayo Doorashada Sheekh Axmed Madoobe oo ay bulshada kala duwan ee rayidka iyo masuuliyiinta Dowladu ay kasoo qayb gali doonaan inkastoo mar ay raxan-Reeb weydiisay in arintaasi ay xaqiiq tahay Duqa Degmada Garoowe C/Casiis Nuur Cilmi Koor uu sheegay in Dad badan ay xiriir lasoo sameeyeen Balse aan Go’aan Rasmi ah la qaadan balse qaban qaabadaasi ay jirto.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.