Garoowe (RBC RADIO) Shirka Golaha Wasiirada oo uu Gudoominayay Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroole ayaa Maanta lagu Ansixiyay Maxkad Dastuuri ah oo Markii ugu Horeesay ay yeelato Dowlada Puntland si dib loogu noqdo hadii uu qilaaf ka yimaado Doorashooyinka Golaha Deegaanka e dhawaan la filayo in Puntland ay ka qabsoonto waxaana Wasiiradu ay baasgareeyeen Yeelashada Maxkamad Dastuuri ah iyo qodobadii lagu dooran lahaa shaqsiyaadka loo dhiibayo.
Waxyaabaha leysku afgartay ayaa ka mid ahayd in Maxkamadu yeelato 4 Garsoore kuwaasi oo ku Biiri doona 5ta Garsoore ee ay leedahay maxkamada Sare ee Puntland waxaana garsoorayaashaan laga soo xulayaa Bulshada Dhexdeeda iyadoo lagu xulanayo aqoon waliba wadata Cadayn,garsoorayaashan looma ogola in ay qabtaan ama ay hayaan shaqo aan ka ahayn mida loo dhiibay sida leysku afgartay.
Garsoorayaashan 4ta ah ayaa 2kamid ah waxaa soo dooranaya Golaha Wakiilada Halka 2da kalena ay soo magacaabayaan Golaha Xukuumada laakiin lama sheegin in arintan ay talo ku leeyihiin ama ay wax kasoo xulayaan ururada siyaasada ee Puntland ka jira waxaana 30maalmood Gudohood lagu soo magacaabi doonaa 4tan garsoore hadii ay Baarlamaanka Puntland meel mariyaan ogolaanshaha maxkamad dastuuri ah oo Puntland ay yeelato.
Waxaa sida ay horay u sheegeen Gudiga Doorashooyinka Dowlada Puntland looga fadhiyaa in ay yagleesho maxkamad dastuuri ah intaan la gaarin Xiliga doorashooyinka Golaha Deegaanka oo ku began 30ka June ee bisha Fooda nagu soo haysa.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.