Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dawlada Soomaaliya oo Maanta Midowga Yurub La Saxiixaneysa Heshiiska Loo Yaqaano “New Deal”

$
0
0

Muqdisho (RBC) Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa lagu wadaa in Talaadada maanta uu magaalada Muqdisho kula saxiixdo Midowga Yurub heshiis kaalmo ah oo Midowga Yurub ay ku caawin doonaan dib u dhiska dalka ka dib dagaaladii dalku soo maray, sida ay Raxanreeb u sheegeen saraakiisha xafiiska raysul wasaaraha.

Heshiiskan oo loo yaqaano “New Deal” ayaa ah heshiis caalami ag oo sida badan adduunku ku caawiyo wadamada dagaalada ka soo baxa sida Soomaaliya oo kale.  Wuxuuna qorshaha heshiiskan ku yimid wadahadalo horey u dhexmaray dawlada iyo Midowga Yurub.

Heshiiskan ayaa waxaa uu qeexayaa qaabka ay u wada macaamili doonaan mudada uu socdo heshiiskan iyadoo Midowga Yurub uu dawlada ka raageeri doono dhinacyada adeegyada ciidamada, tababarada hay’adaha amaanka, kor u qaadidada tayada shaqaalaha maamulka ee dawlada iyo kaalmooyin kale oo dawlada la siinayo.

Dhanka kale waxaa lagu wadaa in Midowga Yurub uu dhowaan shaaca ka qaado in xafiiskii Soomaaliya ee fadhigiisu ahaa magaalada Nairobi ay u soo wareejiyaan dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles