Burco(RBC):- Allaah ha u naxariistee hal qof ayaa ku geeriyooday, mid kalena wuu ku dhaawacmay rasaas ay Ciidammada Booliska Somaliland ee loo yaqaanno RRU ku fureen dad rayid ah oo muddaharaad cabasho ah ka samaynayey magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Muddaharaadka dhimashada iyo dhaawaca sababay, ayaa yimi, ka dib markii ay dawaladda hoose ee magaalada Burco u diidday in Dooxa magaaladaas Ciid ka guraan Gaadiidka Iska-rogooyinka loo yaqaanno ee Ciidda iska shuba, kuwaasoo markii hore diidmo isku dayey, balse markii ay Masuuliyiinta dawladda hoose iyo Maamulka gobolka Togdheer oo marka hore ka hortagay wadayaasha Iska-roogiyinka iyo dadka Ciid-rarista ka shaqaysta, kuwaasoo ay is-fahmeen wadahadal ay yeesheen ka dib.
Hase-yeeshee, iyada oo ay markaas xaaladda inteeda badani deggan tahay ayey Ciidammada ammaanka Somaliland ee magaalada Burco, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tabobbaran ee loo yaqaanno RRU oo hubaysani halkaa gaadheen, isla markaana rasaas ay ku fureen dad maqaaxi fadhiyey ayaa sababtay dhimashada Nuux Axmed Ismaaciil iyo dhaawaca nin kale.
Guddoomiyaha gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi iyo Duqa degmada Burco Maxamed Muraad oo shir jaraa’id oo wada-jir ah ku qabtay xafiiska maamulka gobolka Togdheer ee magaaladaas, ayaa sheegay inay ka xun yihiin dhimashada iyo dhaawaca ka dhacay Burco, isla markaana waxay tacsi u direen qoyska iyo ehelada halka qof ka dhintay, ka dhaawacmayna waxay Illaahay uga beryeen inuu caafimaad siiyo.
Guddoomiyaha gobolka Togdheer oo ka hadlayaa waxa uu yiri; “Ninka dhintay waxa la yidhaahdaa Nuux Axmed Ismaaciil oo soddon jir ahaa, Illaahay ha u naxariisto, ninka dhaawaca ahna waxa la yidhaahdaa Axmed Jaamac Sooyaal, waxaan leeyahay Marxuumka dhintay Illaahay ha u naxariisto, ka dhaawacmayna Illaahay caafimaad ha-siiyo.”
Waxa uu Guddoomiyaha Togdheer sheegay inay baadhayaan qaladka dhacay iyo cidda amarka siisay ama dalbatay Ciidammada Booliska, waxaanu yiri; “Kollay wixii qalad ah ee gudahayaga ka dhacay Maamul ahaan waannu baadhaynaa, qaladka dhacay iyo cidda amarka bixisay waannu baadhaynaa. Qoyskii geeridu ku dhacday waannu is-aragnay, Guddi bay soo samaysteen, waanannu wadahadlaynaa, arrintana waannu baadhaynaa..”
“Markay arrintu bilaabanaysay anigu waan ka maqnaa Xafiiska waxaana laysoo sheegay in xaruntii dawladda hoose ay ku xeersan yihiin Iskarogooyinka ka shaqaysta ciida dooxu, markaan goobtii imi waxaanu ka hawlgalnay in la xidho darawaladii soo abaabulay rabshada, iyadoo ay iska ka shanayeen ciidanka dawladda hoose iyo Taliyaha Saldhiga dhexe oo goobta yimi, markii aanu intii badnayd darawaladii rabshada waday xidhnay.” Sidaa ayuu yiri Maayerka magaalada Burco.
Maayerka Burco Maxamed Muraad waxa uu intaa sii raaciyey oo uu yidhi; “Gawaadhidii iskarogooyinka ahaana aanu ku xaraynay xarunta dawladda hoose, ayaa waxaa goobtii si aan laysku ogayn u yimi ciidamadda RRU, ku waas oo rasaas furay, nasiib darro waxay rasaatii ku dhacday laba ruux oo kamid ahaa dadkii nosoo gurmaday ee na caawinaayay, labada qof oo midna dhintay midna uu dhawaacmay. Illaa hadda garan-mayno sida uu Badhasaabku u sheegay Ciidammada RRU-du sababta ay u yimaaddeen iyo cidda dalbatay ee amarka siisay, waanannu baadhayntaa arrintaas oo baadhitaankeedii waannu ku jirnaa.”
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.