Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowlada Soomaaliya oo 20 sano kadib dib ula wareegtay maamulka Hawada Soomaaliya

$
0
0

 

Dowlada Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyey maamulka hawada Soomaaliya oo ilaa sanadkii 1996-dii ay gacanta ku haysay Hay’ada Qaramada Midoobe u qaabilsan Mashaariicda horumarinta ee UNDP,xafiiska Hay’adda Duullimaadyada ayaa ka hawlgali doona magaalada Muqdisho.

Usoo wareejinta Hay’adda Duullimaadkagudaha Soomaaliya  ayaa ka danbeysay kadib kulan ay magaalada Muqdisho maanta ku yeesheen waufuud kasocotay Qaramada Midoobe oo uu horkacayey Peter Noad iyo wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/llaahi Ciil-mooge Xirsi.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in Soomaaliya dib loogu soo celiyo maamulka hawada Soomaaliya iyo Hay’addii Duullimaadyada dalka oo Muddo dheer ka maqneed gacanta Soomaalida.

Ciil-mooge ayaa sheegay in xafiiska Hay’adda Duullimaadka loosoo raray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya isla markaane Diyaaradaha adeegsada hawada Soomaaliya lagu canshuuri doono Muqdisho.

Peter oo horkacayey waftiga Qaramada Midoobe ee la kulmay wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay iney ku rajo weyn yihiin in sida ugu dhaqsaha badan xafiiska Duullimaadka hawada Muqdisho looga bilaabo.

Arintani ayaa qayb ka ah guulaha isdaba joogga ah ee dhanka arimaha dibada ee ay ku tallaabsaneyso dowlada Federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminayo mudane madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles