Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Wefdigiisa oo Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho, Faahfaahina Ka Bixiyey Shirkii London

$
0
0

Muqdisho (RBC) Madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayey ee ka soo qeybgalay shirkii London ee arrimaha Soomaaliya ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Madaxweynaha oo ay soo dhoweeyeen xubno isugu jira raysul wasaaraha, wasiiro, guddoonka baarlamaanka, xildhibaano iyo dadweyne ayaa waxaa markii uu soo degay uu shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ee magaalada Muqdisho.  Wuxuuna madaxweynuhu ka hadlay arrimo ku saabsan shirka London isagoo Soomaalidana baaq u diray.

Natiijadii Shirkii London

Madaxweynaha oo ugu horreyn ka hadlay shirkii London ka dhacay 7-dii bishan ayaa sheegay in shirkaasi uu horseeday guul weyn oo ay gaartay ummadda Soomaalida iyo dawladeeda isagoo xusay in dhaqaale kor u dhaafaya illaa $200 bilyan oo doolar loogu yaboohay Soomaaliya.

“Lacagtaasoo loogu yaboohay in lagu maalgeliyo barnaamijyadii aan meeshaa geynay hadday tahay nabadgekyada, dhaqaalaha, dawlad dhisida iyo maamul dhisida.” ayuu yiri madaxweynaha oo intaa raaciyey inay ahayd markii ugu horreysay oo qorshe Soomaali leedahay caalamka la geeyo lana taageero.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhaqaalaha loogu yaboohay dawlada aysan qolo gaar ah lahayn balse uu ka dhexeeyo Soomaalida oo dhan.

“Guushaas waxaa iska leh Soomaali oo dhan meel kasta oo ay joogto, ma ahan mid gobol gaar ah, ama qolo gaar ah ama koox, ama urur iyo shakhsiyaad gaar ah ay amaanteeda sheegan karaan.” ayuu yiri madaxweynaha.

Wuxuu intaa ku daray inay waajib ku tahay dawlada inay shakhsi kasta oo Soomaaliyeed meeshiisa ku gaarsiiso qeybtiisa uuna helo waxa uu u baahan yahay.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu u mahadceliyey dawlada Ingiriiska oo uu sgeegay inay awoodeeda siyaasadeed iyo dhammaan miisaaanka ay adduunka ku leedahay ay dul saartay taageerada Soomaaliya taasina ay tahay mid si weyn dawlad iyo shacaba ay ugu mahadceliyeen.

Farriin ku socota Soomaalida

Madaxweynaha ayaa dhanka kale soo qaaday baaq u sheegay inuu u dirayo dadka Soomaaliyeed isagoo sheegay in markan caalamku u soo jeestay taageerida Soomaaliya hayeeshee looga fadhiyo dadka Soomaaliyeed inay iyaguna kaalintooda qaataan.

“Lama joogo waqtigii gadaal iska xaman lahaa ama wax laga sheegi lahaa.” ayuu yiri madaxweynaha.

Wuxuu ku celceliyey in dawlada aysan taageerada caalamka waxba u tari doonin haddii aaney dadka Soomaaliyeed taageerin.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles