Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Gaadiidleydii Shaqo Joojinta Sameeyay oo Xiray Wadada Afgooye Iyo Amisom oo Arrinta Soo Faragelisay Maanta

$
0
0

Afgooye (RBC) Gaadiidleyda ka hawlgala gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose oo tan iyo shalay ku jiray shaqo joojin kadib markii ay ka cawdeen isbaarooyin tiro badan oo lacago baad ah looga qaato ayaa maanta xirtay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyo tan tagta degmada Marka ee kabaxda Afgooye.

Gaadiidleyda ayaa maanta baabuurtooda oo isugu jira yar yar iyo waaweyn waxay ku gooyeen wadada oo ay mari kari waayeen gaadiidka kale, taasoo xayirtay isu socodka wadada ee degmooyinka labada gobol.

Cabashadan oo bilaabatay maalintii shalay ayaa daba socota isbaarooyinka xad dhaafka ah ee rag ka tirsan ciidamada dawlada ay dhigteen wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye iyo tan tagta degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Waxaana isbaarooyinkaasi oo dhowr iyo toban gaaraya lagu qaadaa lacag aad u badan oo aaney gaadiidkeydu awoodin.

Maanta ayaa markii gaadiidleydu xireen wadada waxaa arrinta soo farageliyey ciidamada AMISOM ee fariisinka ku leh magaalada Afgooye kuwaasoo la kulmay guddi ay iska soo dhexsaareen gaadiidleyda. Waxaana kulanka uu ka dhacay xarunta ciidamada AMISOM ee degmada Afgooye.

Sida uu sheegay mid ka mid ah guddiga gaadiidleyda ee la kulmay saraakiisha AMISOM oo lagu magacaabo Maxamuud Nuur waxay saraakiisha ciidamada AMISOM u sheegeen in ay ka shaqeynayaan sidii cabashadooda wax looga qaban lahaa loona burburin lahaa isbaarooyinka ay dhigteen askarta dawlada.

Dhanka guddiga gaadiidleyda ayaa iyaguna soo bandhigay dhibaatooyin ay sheegeen inay ku qabaan maritaanka jidadka oo lacago baad ah oo aad u tiro badan looga qaato mararka qaarna dil loogu geysto, dumarka baabuurta saarana la kufsado.

Kulankaasi kadib ayaa waxay wararka na soo gaaraya ay sheegayaan in ciidamada AMISOM oo wata gaadiidka dagaalka ayna wehlinayaan masuuliyiin ka mid ah maamulka gobolka Shabeelaha Hoose inay qaadeen hawlgal ay ku kala ceyriyeen maleeshiyaad dawlada ka tirsan oo in ka badan 10 jidgooyo u taallay inta u dhexeysa Afgooye iyo Marka.

Dawlada Soomaaliya iyo taliskeedaa ciidamada illaa hadda arrintan dhibaatada ah kama hadlin.

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles