Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasiirka Warfaafinta xukuumada Soomaaliya oo kormeer ku tagay xarunta Boostada dalka

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Wasiirka warfaafinta, Isgaariisnta,boostada iyo gaadiidka xukuumada Soomaaliya C/laahi Ciil-mooge Xirsi ayaa maanta kormeeray dhismaha xarunta Boostada dalka ee magaalada Muqdisho wasiirka ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehlinayey agaasimayaasha waaaxaha wasaarada warfaafinta,Isgaariisnta,boostada iyo gaadiidka xukuumada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa markii uu gaaray xarunta boosta dalka waxa uu bilaabay inuu indha indhayn ku sameeyo qaybaha ay ka kooban tahay xarunta Boostada dalka oo dhawaan lagu sameeyey dib u dayactir,wasiirka ayaa daboolka ka qaaday in dhawaan ay si rasmi ah u bilaaban doonto adeegyadii ay boostadu u qaban jirtay bulshada Soomaaliyeed kadib 22 sano oo aysan shaqayn.

Wuxuuna ku tilmaamay guul la taaban karo dib u furida boostadii dalka,xukuumada Soomaaliya ayaa muddo dheer kadib ku guuleysatay iney dib u hawlgaliso Boostadii dalka oo meesha ka baxday kadib burburkii dowladii dhexe ee dalka.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirtay sidii ay usoo nooleyn lahayd kaabayaashii dowladnimo ee dalku uu lahaa kuwaas oo gabi ahaanba xiligan baaba’san,wasiirka ayaa dhawaan madaxweynaha gaarsiiyey Waraaqdii ugu horeysay ee lagu soo diray Boostada dalka madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Agaasimaha waaxda boostada xukuumada Soomaaliya ayaa ku amaanay wasiirka wasaarada warfaafinta dadaalkii uu ku bixiyey dib u hawlgalinta boostada dalka,wuxuuna ka mahad celiyey booqashada wasiirku uu ku yimi xarunta Boostada dalka.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles