Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Deeq ka timi madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo lagu wareejiyey maamulka gobolka Hiiraan

$
0
0

 

Beledweyne( RBC Radio) Deeq milateri oo ka timi madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la gaarsiiyey magaalad Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,taliyaha ciidamada Jabuuti ee Hiil-walaal  qaybtane ka ah hawlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan  Col.Cismaan Dubbad ayaa deeqda ka timi madaxweyne Geelle ku warjeeyiyey masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.

Deeqda ayaa waxa ay ka koobneed direeska Tuutaha ee ciidamada iyo Kabaha ciidanka oo tira ahaan gaaraya ilaa 5 boqol oo xabbo iyo 5 boqol oo ah dharka Isbooriga ee loogu tala galay iney ciidamadu xirtaan xiliyada ay ku jiraan tababarada,Col Cismaan Dubbad ayaa deeqda ku wareejiyey gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo.

Col.Dubbad ayaa sheegay in kadib markii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu arkay dadaalka xoogan ee ka socda xerada Lama-galaay ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed oo ay tababar ku qaadanayaan in ka badan Kun askari oo laga soo aruuriyey gobolka Hiiraan kuwaas oo loo diyaarinayo iney qayb ka noqdan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya  inuu  madaxweynuhu go’aansaday inuu usoo diro deeqdan ka kooban direeska iyo kabaha.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo gudoomay deeqda ka timi madaxweyne Geelle ayaa u mahad celiyey madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle,wuxuuna sidoo kale ammaanay dadaalka ay ciidanka Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan ay ku bixinayaan sidii ay u dhisi lahaayeen ciidamada Soomaaliyeed,wuxuuna tilmaamay in ciidamada Jabuuti ay dalka Soomaaliya ka hayaan hawl kabadan middii loo xilsaaray oo ay dhan walba ka caawinayaan shacabka Soomaaliyeed.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles