LONDON (RBC) Shirkii London ee loo qabtay kaalmeynta dawlada federaalka Soomaaliya ayaa goordhow la soo gabagabeeyay iyadoo laga soo saaray war murtiyeed aadu dheex oo qeexaya qodobada uu shirka isku raacay.
Waxyaabaha war mutiyeedka ku jira waxaa ka mid ah dhinaca Siyaasadda, amaanka iyo dib u heshiisiinta, booliska iyo caddaaladda, maamulka maaliyadda, taageerada caalamka, xasilinta dalka, qoxootiga iyo barakacayaasha iyo kaalmada caalamiga ah.
Wadahadalada dawlada federaalka iyo maamulka Somaliland ayaa lagu taageeray war murtiyeedka, iyadoo sidoo kalana la tilmaamay in dwladu qabato doorashooyin sanadka 2016.
Waxaa la amaanay IGAD iyo Turkiga kaalinta ay kaga jiraan hawlaha Soomaaliya.
Doorashooyinka Puntland ka dhacaya bisha dambe ayaa sidoo kale dawlada federaalka laga codsaday inay taageerto.
Dhismaha maamulada dalka iyo la dagaalanka Al Shabaab ayaa lagu amaanay dawlada federaalka. Waxaa la xusay qodobada lixda ah ee madaxweyne Xasan Sheekh uu soo bandhigay.
Dhanka maaliyada, waxaa la xusay in dhaqaalaha dawlada la siinayo la marsiin doono qorshe ay iyada keensatay oo ah SFF “Special Financial Facility” balse mustaqbalka la sameyn doono sanduuq ay hiormuud ka yihiin Bangiga Adduunka.
Waxaa la adkeeyay ilaalinta xuquuqda haweenka iyo ka hortagga kufsiga dumarka.
Waxaa lagu baaqay in la baaro dadka dilalka ku haya saxaafadda, isla markaana la xaqiijiyo in saxaafadda ay muhim u tahay horumarka iyo dawlad wanaaga dalka.
HALKAN KA AKHRI WAR MURTIYEEDKA OO DHAN
RBC Radio