Muqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed iney hal meel uga soo wada jeestaan ka hortagida dhibaatada ay alshabaab ku hayaan bulshada Soomaaliyeed.
Wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo la hadlayey dad shacab ka qayb-galayey bannaanbax Muqdisho ka dhacay oo lagu taageerayey shirka arimaha Soomaaliya ee ka furmay London ayaa ka dalbaday bulshada Soomaaliyeed iney iska kaashadaan sidii ay dhabarka uga jabin lahaayeen alshabaab oo uu ku tilmaamay iney yihiin cadowga umada Soomaaliyeed.
“Dadkaasi waxay ku dhuumanayaan dhexdeena,ujeedkoodu waa iney gumaadaan ummada Soomaaliyeed,maaha inaan dhaawacyada ay inoo geystaan meel la fadhiisano oo aan la ooyno ee waa inaan laimaanaa qorshe aan iskaga difaacno dhibaatadooda”ayuu yiri R/wasaare Saacid.
R/wasaaraha ayaa wacad ku maray in dowlada Soomaaliya ay si adag uga hortagi doonto alshabaab oo uu ku sifeeyey iney yihiin dad nolosha ka quustay isla mar ahaantaane ka hortaagan ummada Soomaaliyeed iney nabad ku naaloodaan sida dayowga kale ee dhigooda ah.
Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa ka dalbaday bulshada Soomaaliyeed iney dowlada ku taageeraan qorshayaasha iyo dadaalada ay ku dooneyso iney kaga hortagto dhibaatada ay alshabaab u maleegayaan bulshada Soomaaliyeed sida uu tilmaamay.
R/wasaaraha ayaa ku booriyey bulshada Soomaaliyeed iney gacmaha isabsadaan isla markaane ay u midoobaan ladagaalanka alshabaab oo sida uu tilmaamay diidan jiritaanka iyo maslaxada ummada Soomaaliyeed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho