Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan Sh. iyo wafti uu hogaaminayo oo u ambabaxay magaalada London

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowlada Soomaaliya iyo wafti uu hogaaminayo ayaa galabta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa kusii jeeda magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska oo uu 7-da bishan May ka furmayo shirka taageerada loogu raadinayo dowlada  Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arimaha shirka London ka hor inta uusan ka ambabixin magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirka London uu ka danbeeyey kadib markii beesha caalamku ay aragtay in dowlada Soomaaliyeed oo hogaamineysa bulshada Soomaaliyeed ay muujisay horu socod muuqda iyo dadaal dhab ah oo ay ku dooneyso iney dalka kaga saarto dhibaatadii uu kusoo jiray 22-kii sano dowlad la’aanta iyo dagaalada sokeeye iney go’aansadeen iney isgarab taagaan dadka Soomaaliyeed si ay uga miro dhaliyaan dadaalkooda.

“Shirka London go’aanada kasoo baxa waxa ay noqon doonaan arin ay ku diirsan doonaan shacabka Soomaaliyeed idanka Ilaahey,waxaana hubaal ah in beesha caalamka ay ka go’an tahay iney isbar-bar taagaan dadaalka socda  kadib markii ay arkeen horu socodka aan muujinay”ayuu yiri madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka 7-da bishan May oo ku beegan maalinta Talaadada ee soo aaddan ka furmaya ayaa waxaa si wada jir ah u shir gudoomin doona madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa waxaa ka qaybgali doona madax sare oo  ka socota caalamka,waxaana shirka  diirada lagu saari doono sidii gacan buuxda loosiin lahaa dowlada Federaalka Soomaaliya oo dadaal ugu jirtay ka miro dhalinta qorshaha 6-da qodob oo dowlada Soomaaliya ay ku salaysay dib usoo nooleynta qaranimadii umada Soomaaliyeed.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles