Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

BELEDWEYNE: Ciidamada Amaanka oo Qabtay Waxyaabaha Qarxa, Hub Iyo Dad Looga Shakiyey Al Shabaab

$
0
0

Beledweyne (RBC) Ciidamada dawlada oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa saaka waaberigii hawlgal ay qaadeen waxay magaalada Beledweyne dhexdeeda gacanta ku soo dhigeen waxyaabaha qarxa, hub, rasaas iyo rag looga shakiyey inay ka tirsan yihiin ururka Al Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa maanta wariyaasha u soo bandhigay hub qoryaha fudud, rasaas iyo waxyaabaha qaraxyada loo adeegsado kuwaasoo uu sheegay in saaka ay ciidamadu qabteen.

“Waxaan haynay xog kadib markaan qaadnay hawlgalka waxaan gacanta ku soo dhignay hub iyo waxyaabaha qarxa. Waxaa ka mid ah rasaasta baasuukaha, bambooyinka taangiga iyo hoobiyaha.” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in labo ruux ay xireen kuwaasoo joogay gurigii laga soo qabtay waxyaabaha qarxa iyo rasaasta la soo qabtay.

Hawlgalkan saaka la qaaday ayaa waxaa ka qeybgalay ciidamada Jabuuti ee AMISIOM. Waxayna saraakiisha amaanka sheegeen in waxyaabahan qaraxyada loo adeegsado ay ku jireen jawaano taasoo muujineysa in dhowaan la soo geliyey magaalada, lana doonayey in dhibaato dadka deegaanka loogu geysto.

Guddoomiyaha gobolka Cabdi Faarax Laqanyo ayaa sheegay in ciidamadu ay ku raadjoogaan dad kale oo ay tuhunsan yihiin iyo guryo ayna sii wadi doonaan hawlgalka.

Dhowaan ayay ciidamada magaalada Beledweyne sheegeen inay ka hortageen qaraxyo ay Al Shabaab la dooneysay inay ka fuliso magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles