Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Xaflad Lagu Sagootinayo Ardeyda Fasalka Afaraad ee Dugsiga Dhexe ee Daaral-biri Oo Lagu Qabtay Boosaaso[Sawirro+Codad]

Image may be NSFW.
Clik here to view.

Xafladda loo qabtay Ardeyda loo qabtay iyo Martida oo ku faraxsan ka qeybgalkooda.

Boosaaso[RBC Radio] Mu’asasada Daaral- Birri ee Xifdinta Qu’aanka Kariimka ah iyo Waxbarashada Asaasiga ah ayaa Xaflad ballaaran oo Sagootin ah u qabatay Ardeyda fasalka 4-aad ee Dugsiga dhexe oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho.

Xaflada oo lagu qabtay Amal Plaza ayaa,waxaa kasoo qeybgalay Macalimiin,Waalidiin,Ganacsato,Aqoonyaha n,Maamulayaasha Iskuulada,Waxgarad iyo marti-sharaf kale,waxayna Xafladu ahayd mid si weyn looga shaqeeyey Qabsoomideeda.

Maamulaha Dugsiga Xifdinta Quraanka Kariimka ah iyo Waxbarashada aasaasiga ee Daarul-Biri Iimaan Yuusuf Maxamuud oo furitaanka Xafladda furay ayaa si kooban uga Sheekeeyey Marxaladihii kala duwanaa ee Mu’asasada Daaral-Birri ee Xifdinta Qu’aanka Kariimka ah iyo Waxbarashada Asaasiga ah ay soo martay,wuxuuna dardaaran u jeediyey ardeyda u gudubtay Dugsiga sare.

Image may be NSFW.
Clik here to view.

Maamulaha Dugsiga Xifdinta Quraanka Kariimka ah iyo Waxbarashada aasaasiga ee Daarul-Biri Iimaan Yuusuf Maxamuud

…”"”" Waa Dufcadii 4-aad ee ka baxda fasalka 8-aad ee u gudubta Dugsiyada sarre,waxaan u rajeynayaa iney dadaal iyo karti muujin doonaan iney ka muuqan doonaan meesha ay tagaan oo akhlaaq iyo aqoon ay la tagaan balse aysan noqon dad Safiiro xun ah….”"”ayuu yiri.

Cali Cumar Guure oo afka Waalidiinta Ardeyda sagootinta loo sameeyey ku hadlay ayaa sheegay in amaan ballaaran usoo Jeedinayaan Macalimiinta iyo Maamulka Dugsiga Daaral-Birri ee Xifdinta Qu’aanka Kariimka ah iyo Waxbarashada Asaasiga ah.

Image may be NSFW.
Clik here to view.

Cali Cumar Guure oo afka Waalidiinta Ardeyda sagootinta loo sameeyey ku hadlay

Wuxuu xusay in ay ku amaanan yihiin dadaalka dheer ee ay u galeen kobcinta iyo barbaarinta Ardeyda isla markaana waxa uu ka Codsaday Wasaarada Waxbarashada Puntland in ay wax ka qabato baahiyaha dhanka Waxbarasho ayna garab Istaagaan ardeyda waxbarashada dooneysa ama Jecel.

Guddoomiyaha Waxbarashada ee degmada Boosaaso Cabdullaahi Xasan Abshir Cadami oo isna khudbad dheer oo dardaaran u badneyd kasoo Jeediyey Xaflada ayaa sheegay in ardeyda la sagootinayo ku boorinayo in dadaalka Waxbarasho si laba Jibaaraan aysana ka harin Aqoonta.

Image may be NSFW.
Clik here to view.

Guddoomiyaha Waxbarashada ee degmada Boosaaso Cabdullaahi Xasan Abshir

Cabdullaahi Xasan Abshir Cadami ayaa ku amaanay Macalimiinta iyo Maamulka Mu’asasada Daaral-Birri ee Xifdinta Qu’aanka Kariimka ah iyo Waxbarashada Asaasiga ah dadaalka ay ugu jiraan in bulshada usoo saaraan Jiil aqoon leh waxna ka badela nolosha bulshada reer Puntland.

Jaamac Xasan Barre oo Afka Shirkadda Isgaarsiinta Golis ku hadlaayey ayaa sheegay in faraxad weyn u tahay in Golis kala qeybqaadato farxada ardeyda fasalka 4-aad ee ddugsiga dhexe,wuxuuna xusay in bahda Waxbarashada iyo Shirkadda Golis yihiin bahwadaag Mataano ah.

Image may be NSFW.
Clik here to view.

Jaamac Xasan Barre oo Afka Shirkadda Isgaarsiinta Golis ku Hadlay

Qaar kamid ah Ardeyda Mu’asasada Daarul-Birri ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka ah iyo Waxbarashada aasaasiga ah ayaa kusoo bandhigay Xafladu iney socotay Qu’aan akhris,Buraanbur iyo khudbado soo jiidasho lahaa kana turjumaayey Tacliinta ay barteen.

Dhanka Maamulaha Iskuulka Shaafici Maxamed Faahiye,Mas’uul ka socday Mu’asasada Minhaaj iyo Mas’uuliyiin kale oo Xaflada khudbado kasoo Jeediyey ayaa dhamaantood sheegay in ardeyda la sagootiyey una gudbay Dugsiga sare kula dardaarmayaan in Waxbarashada aysan ka harin sina wataan.waxaana gabagabadii abaalmarino la siiyey Macalimiinta Daaral-biri.

Si kastaba Xafladdaan ballaaran ee loo qabtay Ardeyda Fasalka Afaraad ee Dugsiga Dhexe ee Daaral-biri ayaa noqonaya Dufcadii 4-aad ee ka baxda Dugsiga,waxana Dugsigu u qabtaan xili kasta Xaflado lagu farxad gelinaayo ardeydiisa,taasoo si weyn ay usoo dhaweysay bulshada Puntland.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
7
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Xafladda loo qabtay Ardeyda loo qabtay iyo Martida oo ku faraxsan ka qeybgalkooda.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Maamulaha Dugsiga Xifdinta Quraanka Kariimka ah iyo Waxbarashada aasaasiga ee Daarul-Biri Iimaan Yuusuf Maxamuud
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Cali Cumar Guure oo afka Waalidiinta Ardeyda sagootinta loo sameeyey ku hadlay
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Guddoomiyaha Waxbarashada ee degmada Boosaaso Cabdullaahi Xasan Abshir
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Jaamac Xasan Barre oo Afka Shirkadda Isgaarsiinta Golis ku Hadlay
Image may be NSFW.
Clik here to view.
3
Image may be NSFW.
Clik here to view.
5
Image may be NSFW.
Clik here to view.
8
Image may be NSFW.
Clik here to view.
10
Image may be NSFW.
Clik here to view.
11
Image may be NSFW.
Clik here to view.
12
Image may be NSFW.
Clik here to view.
13
Image may be NSFW.
Clik here to view.
14
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_7599
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_7605
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_7606
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_7636
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_7637
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_7639
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_7640
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_7641

Halkan Ka Dhageyso Codka Maamulaha Daral-biri Iimaan Yuusuf Maxamuud Guji Halkan

Halkan ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Waxbarashada degmada Boosaaso Cabdullaahi Xasan Abshir Guji Halkan

Halkan ka Dhageyso Cali Cumar Guure oo afka Waalidiinta ku hadlay Guji Halkan

____________________________

Cismaan Turaabi

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Trending Articles