Garoowe (RBC RADIO) Xarunta Cusub ee loo dhagax dhigay Wasaarada Waxbarashada Puntland waxay ku taal Duleedka Waqooyi ee Garoowe waxaa dhagax dhigaasi ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane General C/Samad Cali Shire, Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Sicid Juxa, Wasiirka Arimaha Gudaha C/laahi Axmed jaamac Ilka jiir,Duqa Degmada Garoowe C/Casiis Nuur Cilmi Koor,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Wax Barashada, iyo Agaasimaha Mashaariicda,iyadoo Dhismaha Xaruntanna ay kaalin ka qaadaneyso Hay’ada Unicef.
Wasiirka Waxbarashada Puntland (Juxa)oo Dhagax dhiga kadib hadal kooban soo jeediyay wuxuu sheegay in Xaruntan Mustaqbalka soo socda ay nqon doonto Xarunta Guud ee laga maamulo Waxbarashada Puntland Guud ahaan wuxuuna u mahadceliyay Hay’adaha kaalinta ka qaadanaya Dhismaha Xaruntan, isagoo Talaabo hormar ah ku tilmaamay in Xarun Cusub ay yeelato Wasaarada Tacliinta Puntland wuxuuna wasiirku Hambalyadaasi la wadaagay dhamaan Bahda Waxbarashada jecel ee Puntland ku sugan.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane C/Samad Cali Shire oo Gabagabadii Hadal soo jeediyay ayaa sheegay in Dowladii Dhexe ee Dalka Soomartay aysan Wax dhisme ah uga tagin Deegaanada Puntland, sidookalena Dowladihii ka horeeyey Xukuumadan iminka ka taliso Puntland aysan qudhooda u suuroobin in ay dhismayaal Cusub hirgeliyaan blasé wuxuu Madaxweynuhu taa bedelkeed sheegay in Dowlada hada ka jirta Puntland ay Dhismayaal Cusub ka yagleeshay Duleedka Garoowe goobahaasi oo u gaar noqon doona Xarumaha Dowlada wuxuuna sheegay Mudane C/samad in Dowladu ay kaalin ka qaadaneyso Taageerida Wasaarada Waxbarashada oo Qayb muhiim ah kaga Jirta Wasaaradaha Puntland.
Madaxweyne ku xigeenku wuxuu dhanka kale isagoo afka Madaxweyne Faroole iyo kan Shacabka Puntlandba ku hadlaya Tacsi u diray Maamulka Dowlad Deegaanka Soomalida Itoobiya iyo shacbiga halkaasi daga isagoo uga tacsiyeeyey Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid AUN Abwaan (Dhoodaan) wuxuuna eheladii iyo qaraabadii uu abwaanku ka geeriyooday u eebe uga baryay in uu Samir iyo iimaan ka siiyo.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka garoowe.