Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19594

Puntland oo Mushaarka Shaqaalaha Doolar ahaan ku Bixindoonta (Warbixin).

$
0
0

Garoowe (RBC RADIO) Wasiirka Wasaarada maaliyada Puntland Faarax Cali Shire oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaarada   Maanta ayaa ku dhawaaqay in Shaqaalaha iyo Dowladaba Lacagaha ay qaataan Mushaar ahaan ee Sh, Soomaaliga ahaa loogu bedeli Doono Doolar kadib markii ay yimaadeen Caqabado Badan oo la xiriira dhinaca Sicirka iyo Sarifka Deegaanada Puntland iyo Soomaliyaba xalna loo waayay.

 

“ Sida laga warhayo Dowlada Puntland waxay heshiis ah in lacag Cusub lasoo daaboco la gashay Xukuumadii uu hogaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed balse taasi miradhal ma noqon oo ciladu xaga Dowladii KMGKa ahayd ayeey ka timid, hadana rajadu waxay u weecatay Dowladan Federaalka ah ee dhisan ilaa hada mudada 8deeda Bil ah iyana wax wayn oo raja ah waa kasoo naasa-Cadaan waayeen sidaa darteed waxaa nala gudboonaatay xalna aan u aragnay in Mushaaraadka Shaqaalaha Dowlada Lagu bixiyo Doolar ahaan waana arin aan si weyn uga fiirsanay una baarnay waana filayaa in uu dhaqan gelidoono, sidaana waxaa yiri  Wasiirka Maaliyada Puntland.

 

Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire ayaa sheegay in Puntland ay ku dadaashay in ay Xakameyso Sicirka iyo Sarifka Doolarka waxaase taasi hor istaagay buu yiri Wasiirku dad ganacsato ah oo Lacagta Shilin Soomaliga ah Daabulaya ama Qarsanaya oo keedsanaya si uu Sicir barar u koco  Waxayna Saamaynta Culus ku yeelatay ganacsatada Dhoofisa Xoolaha, Dadka Danyarta ah, iyo Dowlada Qudheeda sida uu Wasiirku yiri, wuxuu kaloo sheegay wasiirku In Qof kasta oo shaqaalaha Dowlada ah la siindoono Lacag Doolar ah kaasi oo lagu dabaqayo inta ay le’ekeed Lacagtii Sh,Soomaaliga ahayd ee uu qaadan jiray.

 

Wasiirka ayaa Codsaday in wacyigelin Guud oo dhanka ganacsiga ah la sameeyo, in Culumada ay wacyi geliyaan Bulshada Ganacsata si looga ilaaliyo Xaq darada, iyo In Gancsatada bagaashleyda ah aysan Bulshadan ku sicir bararin Bagaashka ay gadaan i oo haduu doolarku dhoco ama sare u koco ay isku midka gadayaan.

 

Arintan oo noqonaysa markii ugu Horeesay oo Shaqaalaha Puntland Mushaarkooda lagu bixiyo Doolar ahaan hadiiba ay dhaqan gasho ayaan la ogayn sida ay u saameyn doonto Shaqaalaha Dowlada iyo waxa ay ka orandoonaan inkastoo Xukuumada Puntland ay sheegtay in ay tahay xalka kaliya ee u muuqday in lagu dhaqaaqo.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19594

Trending Articles