Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20171

Alshabaab oo xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho ku tilmaamay curyaaminta nolosha shacabka Muqdisho

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Muqdisho(RBC Radio) Dhaqdhaqaaqa alshabaab ayaa ka hadlay xirnaanshaha wadooyinka magaalada Muqdisho afhayeeka dhanka hawlgalada ururka alshabaab Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa ku tilmaamay xirnaanshaha wadooyinka magaalada Muqdisho iyo hawlgalada ay wadaan ciidamada dowlada Soomaaliya curyaaminta nolosha shacabka Muqdisho.

Abu Muscab oo u waramayey warbaahinta ku hadasha afka alshabaab ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in alshabaab ay Muqdisho ka fulinayaan weeraro ay kusoo beegeen geeridii hogaamiyahoodii Aadan Xaashi Cayrow,wuxuuna tilmaamay in diintu aysan qabin in xus gaara la dhigo,balse waxa uu wacad ku maray iney wadayaan dagaalada ay kula jiraan dowlada Soomaaliya.

Afhayeenka hawlgalada ee alshabaab ayaa sheegay iney ilaahey ugu dhawaanayaan kuna raaligalinayaan dilka masuuliyiinta iyo ciidamada dowlada Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna ku celceliyey iney mar walba u taagan yihiin waxyeeleynta dowlada Soomaaliya.

C/casiis Abu Muscab ayaa intaa ku daray in dowladu aysan dan ka lahayn dhibaatada shacabka balse ay alshabaab yihiin kuwo ka damqanaya dhibaatada shacabka soo gaareysa ,Isagoona ku tilmaamay dowlada Soomaaliya mid  u adeegyeysa cadowga umada Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

 

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20171

Trending Articles