Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

DHAGEYSO: Khudbadihii Ay Maanta Garoowe Ka Jeediyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Madaxweyne C/raxmaan Faroole

$
0
0

Garoowe (RBC) Madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa maanta shir jaraa’id oo wadajir ah ku qabtay xarunta cusub ee madaxtooyada ee magaalada Garowe iyagoo kaga warbixiyey arrimo fara badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in dawladisu ay leedahay labo hadaf oo waaweyn kuwaasoo ay dawladu hirgelinso.

1) Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dawladu ay ku dadaaleyso inaanu dalku kala go’in oo Soomaaliya ay mid noqoto.

2) Wuxuu kaloo Xasan Sheekh sheegay in nabadgelyada dalka iyo xasilintiisa ay tahay hadafka kale ee dawladiisu leedahay.

”Dalkaani waa mid… war ma kaal go’naa iyo ma kala tagnaa maanta ma taagna, laakiin sidee dadkii iyo dalkii shalay meeshay joogeen iskugu soo celinaa ayaa noo taal inaa ka shaqeyno, sidee dhaawicii iyo boogtii loo dhayaa.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

DHAGEYSO HADALKA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Federaalka iyo midnimada dalka

“Soomaali waa mid, dad badan oo qeybo badan oo Soomaali ku nool ayaa weli xusuustii murugada dareemaya oo raba in la qanciyo oo loo burcad-dhayo.” ayuu sii raaciyey madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu qiray in weli dawlada federaalka wax badan ka dhiman yihiin, ayna ku jirto  marxalad bilaw ah.

”Wax badan ayaa ka dhiman hirgelinta nidaamka Federaalka ah ,wadadu waa mid qodxo iyo dhaqxaani taalo ,waxana looga gudbi karaa iskaashi ,kalsooni iyo isku samir” ayuu sheegay madaxweynuhu.

Markuu ka hadlay nidaamka federaalka ee Soomaaliya wuxuu sheegay in dad badan markii ay ka jawaabi waayeen su’aalo badan oo la xiriira qaabka uu noqonayo federaalka iyo sida loo hirgalinayo inay dawlada ku soo jeestaan kuna eedeeyaan in dawlada ay diidan tahay federaalka.

Mar uu ka jawaabay hadalka Faroole, wuxuu Xasan Sheekh sheegay in dawladiisu aysan gorgortan gelineyn federaalka, laakiin wuxuu sheegay inay su’aalo badan ka horreeyaan, suda in la is weydiiyo federal nocee ah ayaa la qaadanayaa? iyo sidee loo sameynayaa ama jidkee ayaa loo marayaa hirgelinta federaalka?.

Xasan Sheekh wuxuu tilmaamay inaan loo baahneyn in lagu laabto waxyaabihii horey looga soo gudbay sid qorshihii tubta qariirada ee looga soo gudbay ku-meelgaarka. Wuxuuna sheegay in ay muhiim tahay in horey loo socdo.

Khudbada Faroole

Madaxweyne Faroole oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa ku celceliyey in dawlada Federaalka looga fadhiyo dhaqangelinya nidaamka federaalka iyo in dalka ay ka sameysmaan maamul goboleedyo ay ka mid tahay Puntland iyo kuwa kale ee sameysmi doona.

Faroole wuxuu sheegay in Puntland aanu gorgortan ka geli doonin hirgelinta nidaamka federaalka ee dastuurka cusub qeexayo, wuxuuna Madaxweyne Faroole sheegay in dadka Soomaaliyeed ay qabiil-qabiil u dagaalameen iskuna dhibtoodeen hadda ka dibna xalku uu ku jiro “nidaam federaal” oo ay hoos yimaadaan maamul goboleedyo.

Madxweyne Cabdiraxmaan Faroole wuxuu kaloo taageeray habka loo sameynayo maamulka cusub ee Jubbalad ee shirkiisu ka socdo magaalada Kismaayo, wuxuuna dawlada federaalka ugu baaqay in wax isla meel dhigaan dadka ku hawlan shirka Jubbooyinka.

C/raxmaan Faroole ayaa sidoo kale ku dhaliilay dawlada federaalka ee Muqdisho fadhida inaysan dhameystirneyn hay’adeheeda loona baahan yahay inay soo dhameystirato hay’adeheeda dawliga ah.

Faroole wuxuu kaloo nasiib darro ku tilmaamay in madaxweynaha Soomaaliya uu siddeed bilood kadib doorashadiisa uu yimaado Puntland.

HALKAN KA DHAGEYSO HADALKA MADAXWEYNE FAROOLE

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

 

_____________________________________

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles