Hargeysa (RBC) Wafdi ka socday maamulka Somaliland ayaa toddobaadkan magaalada Washington ee dalka Mareykanka heshiis shidaal baaris ah waxay kula galeen shirkad lagu magacaabo DNO International oo laga leeyahay wadanka Norway.
Heshiiskaasi waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo agaasimaha fulinta ee shirkadda DNO International Bijan Mossavar-Rahmani.
Sida lagu sheegay war saxaafadeed lagu daabacay bogga shirkadda DNO International heshiiska ayaa ah heshiis qeybsiga wax soo saarka dhanka shidaalka. Waxaana heshiiskan uu sheegayaa in shirkaddan baarista ka sameyneyso halka loo yaqaano Block SL18.
Masuuliyiinta Somaliland ee ka hadlay heshiiska waxay sheegeen in fulinta baarista shidaalka loo xilsaaray shirkadda DNO deg deg loo bilaabi doono.
Waa halkee Block SL18?
Sida ka muuqata qariirada deegaanka Block SL18 waxaa uu dhacaa gobolka Sool, gaar ahaan degmada Xudun oo hadda ka mid ah dhul ay joogaan ciidamada maamulka Khaatumo State oo sheegtay inay tahay dawlad goboleed raacsan nidaamka federaalka Soomaaliya. HALKAN KA EEG BLOCK SL18
Dhulka loo yaqaano BLOCK 18 waxaa ku jira Dooxada Nugaaleed oo ka kooban gobolka Sool, Gobolka Sanaag illaa Buuhoodle (gobolka Cayn). Waxaana udub dhexaad u ah Block SL18 degmada Xudun.
“Deegaanada aan la baarin ee shirkadda DNO ay hadda awooda u leedahay inay baarto waxaa soo galaya illaa 12,000 Sq. Kiilomitir.” sidaasi waxaa yiri agaasimaha fulinta DNO International.
Dadka ka faalooda arrimaha xasaradaha ayaa sheegaya in heshiiskan maamulka Somaliland la galay shirkadda Norway laga leeyahay inuu hurin karo dagaalo kale oo ka dhaca deegaanada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle oo ay dhowaanahan ku dagaalameen ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Khaatumo. Sidoo kale ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa ku dagaalamay deegaano ka midah gobolka.
Dhanka kale dad kala duwan ayaa su’aalo iska weydiinaya ku lug lahaanshaha shirkadaha Norway arrimaha kheyraadka Soomaaliya, iyadoo la og yahay in heshiis ay horey u diideen baarlamaanka Soomaaliya oo la xiriiray badda Soomaaliya ay qeyb ku lahayd shirkad Norway ah.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Hargeysa