Muqdisho(RBC Radio) Maamulka gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shirkadaha dhismaha dalka iney si wanaagsan uga qayb qaataan dib u dhiska dalka ka socda,Maxamuud Axmed Nuur Tarsan gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ka dalbaday Shirkadaha dhismaha Soomaaliyeed iney tayeeyaan Dhismaha ay dalka ka wadaaan.
Tarsan ayaa sheegay in shirkadaha dhismaha looga fadhiyo ineysan hagran dhismaha ay ka wadaan dalkooda Hooyo isla markaane ay u hagar baxaan kana dhigaan dhismayaasha ay dalka ka dhisyanaan kuwo ay tayadoodu sareyso oo la heer ah dhismayaasha dunida casriga ah.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ku guubaabiyey mulkiilayaasha shirkadaha dhismaha dalka iney gacan weyn ka geystaan dadaalada dib u dhiska loogu samaynayo dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo burbur lixaad leh uu kasoo gaaray dagaaladii wajiyada badnbaa ee Caasimada ay marti galisay.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka wada magaalada Muqdisho dadaalo uu ku doonayo inuu dib ugu soo nooleeyo adeegyadii bulshada iyo bilicdii magaaladu ay lahayd kahor burburkii dalka ka dhacay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho